Somaliland oo war cusub oo yaab leh kaoo saartay xarigga Cabdimaalik Muuse Coldoon

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland,  Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa war cusub ka soo saaray xarigga Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, isaga oo ka jawaabay dalabka ka soo yeeray Sheekh Cabdirisaaq Jiir oo ahaa in xorriyaddiisa si deg deg ah dib loogu celiyo Wariyaha xian.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi ayaa shaaca ka qaaday in qof kastaa oo khaldama la xirayo, sidoo kalena ka wasaarad ahaan ay iyagu u taagan yihiin ilaalinta diinta iyo dhaqanka

“Diinta cid walba anaga ayaa uga lexejeclo badan ilaalinteeda, idiinma sheegno shaqadaanu hayno, inta qof ee diinta ku khaldamee laga saaro dalka la idiinma tiriyo, qofku hadduu khaldamo yaan la xidhin meelna kuma taalo adduunka” ayuu yiri wasiir Sheekh Khaliil.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dambi tahay in diin aan aheyn tan islaamnka lagu faafiyo guud ahaan deegaanada Somaliland.

“Dalkan diinta islaamka diin aan ahayn in lagu faafiyaa waaba danbi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland.

Coldoon oo loo heysto kiisas xasaasi ah ayaa haatan u xiran Somaliland, waxaana isa soo tarayo baaqyada soo baxaya ee ku aadan in si deg-deg ah loo siiyo xorriyaddiisa.

Si kastaba Samafale Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa horey u baahiyey warbixino isdaba joog ah, isla-markaana liddi ku ah dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey macalimad Joy Isa oo uu sheegay inay tahay Masiixiyad howl diimeed u timid magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.