Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ee Soomaaliya

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la filayo in madaxweynaha HirShabelle uu ku dhowaaqo liiska xubnaha musharixiinta ee ku tartamaya kuraasta taal halkaas ee golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa shaaca ka qaaday inuu dadajinayo doorashada Aqalka Sare, isla-markaana uu soo gaba-gabeeyey wada-tashiyadi uu waday, isaga oo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la sameeyay shaqsiyaad kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaxweyne Guudlaawe uu diyaariyey liiska xubnaha musharixiinta ah, kaliya la filayo inuu shaaciyo magacyadood.

Jowhar waxaa sidoo kale gaaray qaar ka mid ah musharixiinta, kuwaas oo ku haminaya inay kusoo baxaan liiska laga sugayo inuu ku dhowaaqo madaxweynaha.

Baarlamaanka HirShabelle ayaa dooranaya sideeda xubnood ee Golaha Aqalka Sare, kana imaanaya dhanka maamulkaasi.

Ammaanka ayaa dhinaca kale aad loo adkeeyey, waxaana Jowhar laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ka dhaceysa magaaladaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shirkii golaha wada-tashiga qaran ee Muqdisho, kadib lagu ballamay in la dadajiyo doorashooyinka ka harsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Si kastaba HirShabelle oo haatan caqabado is-biirsaday ay ka jiraan ayaa weli bilaabin doorashooyinka, halka maamullada qaar ayba dhammeystireen doorashada Aqalka Sare.