Filimka Muqdisho oo noqday kan loogu daawasho badan yahay Korea-da Koonfureed – Muxuu ku saabsan yahay?

Seoul (Caasimada Online) – Filimka cusub ee Escape From Mogadishu ama “Ka Baxsashada Muqdisho,” ee uu sameeyey Ryoo Seung-wan ayaa noqday kan loogu daawashada badan yahay dalka Korea-da Koonfureed, sanadkan 2021.

Escape From Mogadishu ayaa waxa uu ku saleysan yahay sheeko dhab ah oo ah sida ay safiirada dalalka Korea-da Koonfureed iyo Korea-da Waqooyi ay uga baxsadeen Soomaaliya, markii uu dagaalka sokeeyey ka qarxay 1991-kii.

Waxaa jilaya jilayaasha caanka ka ah dalka Korea-da Koonfureed ee Yoon-seok iyo Heo Joon-ho. 

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay ee Lotte Entertainment, filimkan ayaa iibiyey saddex milyan oo ticket illaa iyo 29-kii August, sida uu sheegay qoray Korea Times.

Tiradan ayaa ka dhigan in Escape From Mogadishu uu dhaafay filimka Black Widow, oo hore u ahaa kan loogu daawashada badan yahay Korea-da Koonfureed sanadkan. 

Filimka Muqdisho ayaa sidoo kale ah kan muddo sanad ah ugu daawashada badan filimada lagu sameeyey gudaha dalka Korea-da Koonfurreed, isaga oo dhaafay filimka Deliver Us From Evil ee la sameeyey bishii August ee sanadkii 2020.

Guusha filimka Muqdisho ayaa la sheegay inuu astaan u yahay in masraxyada dalka Korea-da Koonfureed ay kasoo kabanayaan cudurka Coronavirus oo si weyn hoos ugu dhigay. 

Filimka Escape From Mogadishu ayaa markii ugu horreysay la baahiyey 28-kii July.