Lacagta yaabka leh ee lagu iibsaday dhulka Tiyaatarka

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa lagu sheegay in la hakiyey “ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida” Tiyaatarka Qaranka, isaga oo fulinaya amarka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta qaranka ay ka keeneen cabasho, ayaga oo isu soo bax shalay ka sameysay Muqdisho.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato.

Caasimada Online ayaa og in hakinta ay tahay mid afka un ku kooban oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhalatay dhulkan oo xaqiiq ahaan la iibiyey, islamarkaana qorshaha looga sameynayo goobo ganacsi uu sidiisa yahay.

Arrintan yaab leh ayaa ah lacagta la sheegay in dhulka la kireeyey, taasi oo xaqiiq ahaan muujineysa inuusan jirin dhul kireeyey, balse dhulka la iibiyey, sidaas darteedna kireynta ay tahay sheeko lagu daboolayo iibka.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo kamid ah abwaanada magaca ku leh fanka Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho warbaahinta ayaa shaaciyey in dhulkaas lagu kireeyay lacag dhan 250 dollar.

Heshiiska ayaa waxa uu ku tilmaamay mid ihaano ah, islamarkaana ay tahay wax laga xishoodo in lacag sidaas u yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka.

“Inuu heshiis sameeyey, la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale, Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar, bishii meelaha yar-yar xitaa laguma kireeyo lacagtaas,” ayuu yiri Dhuux.

Xadiga lacageed ee lagu kireeyay dhulkaas oo kamid ah Tiyaatarka Qaranka ayaa waxa uu cadeeyey tuhun ah in dhulkaas la iibiyey, maadama aysan maan-gal aheyn in dhul intaas le’eg lagu kireeyo lacagtaas.