Askar ka tirsanaa ciidanka DF oo lagu dilay Muqdisho, kadibna raggii toogtay oo..

Muqdisho (Caasimada Online) Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay lagu toogtay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay weerar gaadmo ku qadeen rag ku hubeysan Bistoolado.

Labada askari ayaa lagu kala magacaabi jiray  Axmadey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan, waxaana ay ka tirsanaayeen ciidamada milatariga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in falka kadib ciidamo ka agdhowaa goobta ay iyaguna toogasho ku dileen mid ka mid ah raggii ka dambeeyey dilka , halkii kuwii kalena ay baxsadeen.

Meydka labada askari iyo ninka kale ee ka tirsanaa kooxda weerarka ka fulisay ayaa la geeyey xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaan loogu sameeyey dhacdadaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen dilka askartaasi, iyada oo xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir laga sameeyey baaritaano lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaas.

Dilkan wuxuu ku soo aadayaa, xilli maalmihii u dambeeyey ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay howl-gal lagu xaqiijinayo amniga ka wadeen gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro, dilal qorsheysan iyo sidoo kaleqaraxyo inta badan ka geysta gudaha caasimada.