Garoonka diyaaradaha ee Beledweyne oo xirmay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu xirmay gabi ahaanba garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ayaa xirmay kadib markii roobab xoogan ay ka da’een gobolka Hiiraan, kaasi oo biyo dhigay garoonka diyaaradaha oo caro madow (Dhoobo) ah.

Sanad walbaa xiligaan oo kale waxaa xirma garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne, waxaana keenaya inaan xiliga Roobab aysan jirin diyaar garoow, islamarkaana wax dhismo ah lagu sameyn.

“Runtii roobkii Guga daadad uu watay iyo Carro ayaa xiray Garoonka diyaaradaha Baladweyne maalmahaan ma aheyn mid Shaqeeya,qofkii Xamar u socda Gaari ayuu Guriceel ku tegayaa si uu Diyaarad uga soo raaco” ayuu yiri qof ka mid ah dadka reer Baladweyne.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dadka doonaya inay kasoo baxaan magaalada Beledweyne inay tagaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay diyaarad kasoo raacaan.

Amaanka wadada dhulka ay ee xiriirisa Muqdisho iyo Beledweyne ayaanan wanaagsaneyn, taasi oo keentay in dadka deegaanka ay diyaarad ku yimaadaan magaalada Muqdisho.

Labo sano kadib maamulka Hirshabeelle ayaanan ku guuleysan inay dhistaan garoon diyaaradeed oo caalami ah, iyadoo kaliya ay Jaay (Dhagxaan) ku shubeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Hirshabeelle
Caasimada@live.com