Tallaabadii Baarlamaanka iyo qorshihii Faarax C/qaadir oo la laalay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Adeega Garsoorku ayaa maanta waxay u fadhiisteen fadhi aan caadi ahayn oo ay ka soo qayb galeen 9 ka xubnood ee uu ka koobnaa Golaha Adeega Garsoorka, waxaana ay ku diideen ansixintii baarlamanka ee sharciga golaha adeegga garsoorka.

Waxa ay sheegeen in sharciggan uu awood siinayo wasiirka garsoorka Faarax Cabdul Qaadir, oo isaga sharciggan horegeeyey baarlamanka, kuna guuleystay in loo ansixiyo.

Waxay Goluhu ku muujiyeen qoraalkan aratidooda ku aadan qabyo qoraalka Golaha Adeega Garsoorka ee Barlamanka hor yaala. Aragtida Goluhu waa sidan hoos ku qoran oo qodob qodob u eegaysa Qabyo Qoralka Barlamanka horyaala.

Markuu shirka garsoorka soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda loo qeybiyey qodobbadi ka soo baxay  shirka,waxaana si kooban ula hadlay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Cabdul qaadir Maxamed Muuse waxuuna sheegay in guddiga garsoorka dalka ay ka soo horjesteen guddigii uu dhawaan ansixiyey baarlamaanku.

Hoos ka akhriso qodobbada ka soo baxay shirka:-

1. Garsoorku waa tiir ka mid ah saddexda tiir ee dowladda fadaraalku ay ka kooban tahay.

2. Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka madax-banaan yahay laamaha dowladda ee sharci-dejinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda waxay u hogaan-samayaan sharciga oo kaliya.

3. Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu u xil saran yahay maamulka, garsoorka sida: Shaqo qorista, Ruqsaynta, Dalacaadda, Anshax-marinta garsoorayaasha, Maxkamadaha ay ku jiraan garsoorayaasha maxkamada dastuuriga ah.

Qoddka 5-aad: Xilalka iyo Awoodaha Golaha:

Qoddka Shanaad ee qabyo-qoraalka (2 lama raacin karo 3). Maxaa yeelay waxay ka horjeeddaa Qodobka 116-aad ee dastuurka qaranka oo sheegaya inaan lagula kici karin shaqalaha bah-dilaad wajibaadkooda shaqo ay gudanayaan awgeed. B) Laguma samayn karo, xilka qaadid, lagama wareejin karo xafiiska, darajadooda hoos looma dhigi karo, inay jirto sabab macquul ah oo sharci ku dhisan.

Maxaa yeelay markii la qorayay ayuu soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, haddii la yidhahdo iminka isaga iyo qof cusub ay u tartamayo oo siman waa bah-dilaad, darajo ka-qadis, yasid aan lahayn wax sabab ah oo macquul ah. Waa qalad qof garsoore ah oo shaqada laga yaabo inuu 30-sannadood soo hayay in qof yar oo u dhali karo oo hadda jamacad kasoo baxay ayaa loo tartansiinayaa xilka uu isagu hayay isaga iyo qofkaa yar.

Shariciga nidaamka garsoorka wuxuu sheegayaa Qodobka 18-aad in qof soo galayo garsorka uu hal sano ka hoos shaqeeyo garsoore khibrad leh, kaddib markaas ayaa garsoore loo qaadan karaa, kii uu ka hoos shaqeyeyna lahaa ee warbixinta ka keeni lahaa iyo kii dhalinyarada ahaa ee hada soo galay ayaa la leeyahay ha u tartamaan. taasina wax maqcuul ah maahan.

Qodobbada: 7-aad ee qabyo qoraalka.

Habraaca magacaabista xubnaha golaha adeegga garsoorka

Golaha Adeegga Garsoorka inta ay ka kooban yihiin iyo sida loosoo xulayo waxaa sheegaya Qoddobka 109-aad (A) ee dastuurka Qaranka. Sida Qodd. 109-aad A ee dastuurka waxaa laga soo min-guuriyey qodd, 6-aad ee qabyo qoraalka. Haddana Qoddobka 7-aad oo ka hadlayo hab-raaca xulitaanka oo 100% kasoo horjeedo. Qoddobka 109-aad (A); ayaa lagu xusay qodobka 7-aad ee qaybo qoraalka.

Looma baahna qodobkaas wuxuu sheegayana waa wax kasoo horjeeda Qodd. 109 A ee dastuurka Qaranka.

Qodobka 8-aad ee Qabyo Qoraalka

Shurudaha Magacaabista:

Qodd. 8-aad ee qabyo qoraalka wuxuu sharaxayaa habka magacaabida xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka. Shurudahaas waxaa la raaci karaa oo kaliya saddex xubnood ee golaha wasiirrada iyo madaxwaynuhu soo xulayaan ee uu sheegayo Qodobka109-aad (F) ee dastuurka.

Lixda xubnood ee kale ee Golaha Adeega Garsoorka ka koobnaanayo waa dad uga mid noqonaya Golaha xilka ay hadda hayaan awgood. xulitaan dambe, shuruudo dambe iyo habraac toona loogama baahna. Sidaa darteed Qodd 7-aad iyo 8-aad ee qabyo qoraalku waa qayrul-dastuur.

Kuma jirto dastuurka meel ogolaanaya wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka oo laga yaabo in noqdo ka loola jedo ereyada “Wasiirka ay khusayso” ee ku qoran Qoddobka 7-aad u ogolaansho inuu soo jeediyo sagaalka xubnoodba hor-geeyo Golaha Wasiirada Golaha Wasiiranduna u gudbiyaan Golaha Xeer Dajinta ka dibna Madaxwaynaha kusoo saaro Wareegto.

“Waxaasoo dhan waa ka badbadin iyo ku xadgudub dastuur (Super Fluous)”.

Da’da Xubinta Golaha: Qof da’diisu ka yar tahay 40 sano oo aqoon iyo khibrad u leh garsoorka waa loo magacaabi karaa xubin Golaha Adeegga Garsoorka ka mid ah, isla sidoo kale qof da’diisu 65 sano ka badan tahay oo cafimaad qaba; gaar ahaan maskaxda waa loo magacaabi karaa xubin Golaha Ade

egga Garsoorka ka mid ah.

Shahadada iyo Khibrada: Waa in lagu kordhiyaa inuu leeyahay khibrad aan ka yarayn Toban sandadood (10).

Qodobka 9-aad ee Qabyo Qoraalka: Qaab dhismeedka iyo Wajibaadka Golaha:
Qodd 9aad, sida kale waa u sax laakiin xoghayuhu kama mid noqon karo 9 xubnood, maxaa yeelay 9ka xubnood ee Golaha Adeega Garsoorka ka kooban yahay waxaa tilmaamay Qoddka 109aad A. Ee Dastuurka Qaranka.

Qofka Xoghaynta u noqonayo sagaalka xubnood waa inuu noqdaa shaqaale rayid ah (Civil Service) oo la darajo ah ama waa darajeda agaasime.

Qodobka 10-aad; Xoghaynta ma noqon karto xubin ka mid ah Golaha Adeegga Garsoorka ka tirsan.

Qodobka 11-aad: Xil waayidda xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka: Xil waayidda xubnaha golaha waxaa ku habboon in lagu qoro xeer hoosaadka Golaha Adeegga Garsoorka ee looma baahaneyn sharciga lagu qoro.

Qodobka 12-aad: Kulamada Golaha Adeega Garsoorka: Golaha Adeega Garsoorka waa ku yar tahay in laba bilood ay hal mar fariistaan ee waa inay fariistaan laba toddobaad oo walba mar ama bishiiba laba mar.

Qodobka 13-aad: Daah furnaanta: Daah-furnaanta ka qayb-galka dadwaynaha wuxu furan yahay Golaha Adeegga Garsoorka haddii aanay jirin wax caafimaadka, aminga iyo anshaxa wax yeeli kara; wuxuu fariisan karaa iyadoo aan dadwaynaha u furnayn oo aan daah-furnayn.

Qodobbadan ka soo baxay shirka garsoorka dalka waxaa ku saxiixna,guddoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliya,Caydiid Ilka Canaf.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com