Garyaqaan shaaciyey sirta ka dambeysa lacagta loo ururinayo Farmaajo + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Garyaqaan Mukhtar Nuur oo ka hadlay lacagta qaaraanka ah ee Farmaajo dalbaday in guri loo dhiso ayaa sheegay in sirta ka dambeysa ay tahay in lagu qariyo hantidii uu horay u dhacay Farmaajo.

Garyaqaan Mukhtar ayaa soo jeediyey in Farmaajo dabagal lagu sameeyo, laguna maxkamadeeyo dhibaatooyinka uu dalka ka geystay shantii sano ee la soo dhaafay iyo jaho wareerinta uu dadka ku sameeyo.

“Ninkaan kama fiicna madaxdii ka horeysay, mid guri loo dhisayna kuma jirin, dadka ayuu jaho wareerinayaa, waa sheekadii uu hadda ka hor suuqa soo geliyey ee aheyd baasaboorkii Mareykanka ayuu iska celshay, isagoo ka hadlaa weligiin ma aragteen? CBB ayuu u soo dhiibay, waa been wax uu celiyey malahan,” ayuu yiri Garyaqaan Mukhtar.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Qorshaha uu hadda Farmaajo suuqa soo geliyey ee CBB ay wado waxaa lagu xalaaleysanayaa lacagtii uu dhacay, hadii musuq jiro nin Farmaajo ka badiya ma jiro, waa tuug inta aan tuug la dhihin dadka tuug dhaha, taasna waa la iskaga daba imaadoonaa insha allah.”

Farmaajo oo sheegay jiray wadani dadkiisa jecel, ayaa hadda kooxaha taageera ka dalbaday inay u dhisaan guri Qasri ah, xilli abaar daran ay dalka ka jirto oo dadku ay gobollada gaajo ugu dhimanayaan.

Ma heyso baahi uu Farmaajo ku codsado qaaraan, wuxuuna mushaar ahaan u qaadanayaa 33 kun oo dollar bil kasta, intii uu madaxweynaha ahaa wuxuu mushaar ahaan u qaada jiray 60 kun oo dollar.

Hoos ka daawo Garyaqaan Mukhtar