Muxuu Cali Cosoble ka yiri arrinta Xasan Sheekh iyo dowlad goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Somaali Cable ayaa ka hadlay isbedalka siyaasadeed ee dalka iyo dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Cali Cosoble oo garab istaag u muujiyey Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  sheegay inuu ka kalsoon yahay qibraddiisa shaqo.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa wareysigan diirrada ku saaray dowladda cusub iyo maamul goboleedyada, isaga oo shaaciyey in Xasan Sheekh uu yahay ninkii dhisay federaalka, ayna  ku baraari doonaan dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh waxaan aaminsanahay dowlad goboleedyada waa uu dhisi doonaa waa uu xoojin doonaa waa ay ku baraari doonaan, sida ay raalli uga ahaayeen ayaana ka garan kartaa” ayuu yiri Cali Cabdullahi Cosoble.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Madaxweynaha cusub uu ka filayo inuu garab istaago madaxda maamul goboleedyada, isla-markaana uu la imaan doono xasilooni.

“Qof la aaminsanyahay waayey Xasan Sheekh inuu dowlad goboleedyada garab istaagi doono,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Madaxweyne Xasan uu booqasho ku bilaabay maamullada dalka, isaga oo ku hormariyey dowlad goboleedyadii taabacsanaa Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo, sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug.