260 qof oo haraad iyo gaajo ugu geeriyootay GEDO

Gabahaarey (Caasimada Online) – Xaaladda abaareed ee ka jirta dalka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan kasii dareyso, waxaana deegaanada qaar laga soo warinayaa dhimashada dad da’ ah iyo caruur fara badan, kuwaas oo u geeriyooday haraad iyo gaajo.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ku dhufatay abaarta baahsan ee ka jirta Soomaaliya, taas oo dhalisay xaalado dhanka nolosha ah.

Axmed Cumar Saalixi oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala gobolka Gedo ayaa booqday xero barakac oo ku taalla duleedka degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo lagu magacaabo Iftin, waxaana ku sugan illaa 4000 qof oo kasoo hayaamay guryahoodii.

Wariyaha ayaa soo tebiyey xaalado xanuun badan oo ka jira xeradaasi, wuxuuna sheegay in tirakoob la sameeyey lagu ogaaday in illaa 260 qof oo isugu jira caruur iyo dad da’ ah ay ku dhinteen kaliya xeradaasi, 6 bilood ee lasoo dhaafay, markii ay waayeen cuno iyo biyo.

“Horjoogayaasha iyo dadkii aan la kulanay waxay caddeeyeen lix bilood gudahood in 260 caruur ah iyo 22 qof oo dad waa weyn ah inay geeriyoodeen,” ayuu yiri Wariye Saalixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Waxaa xusid mudan todobaadkii ugu dambeeyey oo kaliya 6 ruux inay ku dhinteen xeradadaasi 4 caruur ah iyo 2 qof oo da’ ah”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qoysaska haatan ku nool halkaasi in aysan helin gurmad ku filan, wuxuuna tilmaamay in laga cabsi qabo in dhimashadu ay sii kororto.

“Bilihii u dambeeyey raashinka ay qaadanayeen dadkaasi ma’an raashin joogta ah, biyahana waa ciriiri mar-mar ayaa booyado loo geeyaa,” ayuu markale yiri.

Dhacdooyinkan murugada leh ee lasoo warinayo deegaanada qaar ee ay saameeyeen abaaraha ayaa uga sii daraya walaaca dadka Soomaaliyeed ee ku aadan abaaraha dalka.