Sawirro: GALMUDUG oo shacab hubeysay + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu wajahayo dagaalka adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, si looga adkaado kooxdaasi.

Saraakiisha Galmudug ayaa bilaabay inay hubeeyaan, isla-markaana ay tababaraan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada maamulkaasi, si ay qayb uga noqdaan dagaalka.

Galmudug oo qorshahaas ka duuleysa ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo ay sheegtay in loo abaabulay hab deegaan, kuwaas oo tababar loo soo xiray.

Ciidamada la tababaray oo hubkooda wata ayaa ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowlad goboleedka Galmudug.

Tababarka la siiyey dhalinyaradaasi degaanka ah waxaa iska kaashaday saraakiisha Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, iyada oo la baray xirfado ku saabsan ciidanka.

Geedi Qalabxoor oo ka tirsan saraakiisha ciidamada tababarka bixinayey ayaa kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

Dhowr jeer dagaallo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, waxay ka dhaceen qaybo ka mid ah Galmudug, waxaana shacabka ay taageero ka heleen ciidamada huwanta.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayey Galmudug oo culeys kala kulmeysa Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna oo dhinac kale ah.