Gawaari casri ah oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo laga keenayo Turkiga

Nairobi (Caasimdda Online) – Wargeyska The Star ayaa baahiyay in dowladda Kenya aya qorsheyneyso iney in ka badan 100 gawaarida aan xabadda karin ah kasoo iibsato dalka Turkiga si ay u isticmaalaan ciidamada Militariga.

Wargeyska wuxuu xusay in ujeedada dowladda Kenya uu yahay iney ku xoojiso ciidamada dagaalka kula jira dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya.

Inkastoo aan la shaacin shirkadda ay ka iibsneyso hadana afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Kenya ayaa sheegay in heshiiska ay qalabkaas Militari kusoo iibsanayaan uu ku dhaw yahay dhamaad.

Afhayeenka oo magaciisa lagu sheegay Zipporah Kioko ayaan carabka ku dhufan waqtiga rasmiga ah ee ay gawaaridaas kala soo wareegi doonaan dowladda Turkiga, wuxuuse qiray iney kaga hortagayaan qaraxyada Miinooyinka dhulka lagu aaso.

Wargeyska wuxuu kaloo qishay in lacag dhan 70 Malyan oo Doolar ay kaga baxeyso Kenya iibka gaadiidka aan xabadda karin oo lagu sheegay 118 xabo.

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya waxey qeyb ka yahiin ciidanka nabad ilaalinta AMISOM, waxaana tiradooda lagu sheegaa 3,000 (Saddex kun) waxeyna intooda badan ka hawlgalaan gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale ciidamada Kenya waxey baacsi ku hayaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo badi ka gudba xadka labada dal, waxeyna weeraro, afduub iyo qaraxyo ka geystaan gobolka waqooyi Bari, taasna waxey kordhisay walaaca ay dowladda Kenya ka qabto iney Al-Shabaab halis badan sii galiso shacabkeeda.