Muqdisho (Caasimada Online) – Gawaarida ay ku socdaalayaan xubnaha iyo taageera-yaasha Urur Diimeedka Dam Jadiid, ayaa si weyn waxay ugu soo badanayaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho, xilli ay u badan yihiin kuwa dalka dibaddiisa ka soo laabtay.
Sideedii bilood ee ugu dambeysay, ayay xubnaha Dam Jadiid gaadiid fara badan kala soo deggayaan Dekeda Magaalada Muqdisho, xilli aynaan jirin wax canshuuraad ah, oo ay ka bixiyaan gawaaridaasi.
Waxaa jira niman ka tirsan Madaxtooyada Somaliya oo gaadiidkaasi iyagoo raxan raxan ah, kaga soo kaxeeye Dekeda, dabadeedna isugu keena Madaxtooyada, halkaasoo ay xubnaha Dam Jadiid ka kaxeystaan.
Madaxtooyadu waa u sahal inay galaan, kana soo baxaan xubnaha Dam Jadiid. Dadka qaarkii waxayba ku tilmaamaan inay tahay xarun ay lee dahay cid gaar ah, oo aynaan u muuqanba middii qaranka looga arriminaayay.
Qaybaha bulshada, Saraakiisha Ciidamada Dowladda, Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale, ee aan ka tirsanayn Ururka Dam Jadiid, ayaa ku adag inay galaan amaba laga ixtiraamo albaabada laga galo Madaxtooyada.
Gawaaridu ay lee yihiin Dam Jadiid, ayaad mooddaa inay ka soocan yihiin gaadiidka kale ee dadku wataan, waayo gawaaridoodu waxay socodkoodu ku badan yihiin laga soo bilaabo Wadada KM0 ilaa KM5.
Ciidamada Ilaalada Wadooyinka, Nabad Suggida iyo Booliska ku sugan Isgoysyada Sayidka, Dabka, Shaqaalaha, KM4, KM5, Tarabuunka ilaa Wadooyinka gala Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay cabasho ka muujinayaan xubnaha Dam Jadiid, oo intoodu badan Wadooyinkaasi ku mara, iyagoo aan sidan sharciga kaxaynta gaaadiidka.
Arrinta xiisaha leh, ayaa waxay tahay kolka ay wada murmaan askarta iyo xubnaha Dam Jadiid, in askarta lagu qanciyo waxaan kula hadashiinayaa hebel iyo hebel. Hebel waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu sareeya Dam Jadiid ee Madaxtooyada ku sugan, kolka lala hadashiiyana waxaa loo sheeggaa in ninkaasi ay fasaxaan.
Shacabka caadiga ah ee gawaarida wata, ayaa ganaax adag lagu ridaa kolka Wadooyinka lagu qabto, iyagoo bilaa sharci ah. Qaarkood waxaaba suurta gal ah in ay wajahaan xabsi, iyadoo ciqaab looga dhigaayo.
Arrinta kale ee u baahan in la muujiyo, ayaa waxay tahay in xubnaha Dam Jadiid ay qaarkood gawaaridu wataan, iyagoo hub kala duwan ay u saaran yihiin. Mana ka muuqato astaan dowladeed, waxaan sidoo kale la socon askar dareyska Ciidamada Dowladda xiran, bal si looga helo uun calaamad dowladeed.
Dadka u dhuun duleele arriimaha ammaanka, ayaa waxay qabaan in tani ay caqabad weyn ku tahay hannaanka amni ee Magaalada Muqdisho. Xilli xasiloonida Caasimaddu ay tahay mid aan cago badan ku taagnayn.
Saraakiisha Nabad Suggida, Booliska iyo Taraafikada, ayaa waxay kuu muujinayaan sida ay kaga cabanayaan Dam Jadiid iyo sida ay sharciga ugu tumanayaan. Ma jirto sharci Dam Jadiid qaban kara oo ka jira Xarunta Somaliya.
Hay’adaha ugu muhiimsan ee Dowladda Somaliya, ayaa waxaa si weyn kaga dhex muuqanaaya Dam Jadiid iyo taageera-yaashooda. Waana kuwa ugu macaashka badan Dowladda, marka loo eeggo shacbiga mallaayiinta gaaraaya ee ku nool Magaalada Muqdisho.
Shamsa Daahir oo degan Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaysa in Dam Jadiid ay heystaan Dowladda iyo Magaalada Muqdishaba, isla-markaana ay ka dhaqaalo badan yihiin dadka degan Magaalada.
Shamsa waxay kaloo sheegeysaa in ragga aaminsan mabda’a Dam Jadiid, ay saddexda waqtiba ka cunteeyaan hoteelba, hotelka kale ee uu ka qaalisan yahay. Lacagahana ay check kaga qaataan Bankiga Dhexe Somaliya iyo Bankiyada kale, ee gaarka loo lee yahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

