Geedi: Madaxdii shalay diidaneyd maqaamka Muqdisho ayaa maanta u ololeyneysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maqaamka magaalada Muqdisho.

Geedi ayaa marka hore shaaciyey in xilligii uu Ra’iisul wasaaraha ahaa uu ka soo shaqeeyey sidii loo dhisi lahaa maqaamka Caasimada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxdii shalay diidaneyd in la dhiso maqaamka magaalada Muqdisho ay hadda wadaan olole xooggan, isaga oo carab baabay Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Kuwii shalay diidanaa Maqaamka inay hadda yiraahdaan waa in la dhisaa maqaamka ma aha mid sax ah.”ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo ka tilmaamay raggaas Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dalbaday baarlamaanka Soomaaliya in uu ka doodo in la helo matalaada siyaasadeed ee Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo in ay dardar geliso qorshaha maqaamka Caasimadda.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com