Geelle hadal culus ka yiri waddada ay Soomaaliya ku socoto iyo bixidda Amisom

Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya ee amaanka iyo siyaasadda waxa uuna madaxda Dalka ku amaanay dadaalada ay wadaan ee soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay iney Soomaaliya ka soo kabaneyso Dhismaha Ciidamada, Amaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha markii loo eego sanadihii dambe iyo dadaalada ay sameeyeen madaxda isbadashay isagoo sheegay in la joogo waqtigii la garab qaban lahaa xaaladda soo kabashada ah.

“Wadadii isku filnaanshaha ayey ku socotaa, waxaana soo kabanaya dhismaha Ciidamada oo ay tahay iney la wareegaan amaanka dalkooda waana annaguna inaan ku taageernaa xaaladaasi wanaagsan ee muuqata, waa la gaaray waqtigii ay AMISOM ku wareejin laheyd amaanka dalkooda Ciidamada Soomaaliya laakiin waxay u baahan yihiin in dhaqaalo lagu taageero” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Geelle ayaa ka hadlay qorshaha AMISOM looga saarayo Soomaaliya, iyo natiijada ka dhalan karta maadaama weli falal amnidarro ka dhacayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hore dhowr mar uu sheegay in ciidamada shisheeye uusan dalka Soomaaliya waxba u tareyn laakin loo baahan yahay in u  dhis lagu sameeyo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in AMISOM dhaqaalo badan uu ku baxo laakin ay u baahan tahay in waqti yar lasiiyo si Ciidamada dowladda Soomaaliya ay awood ugu yeeshaan in ay la wareegaan amniga Guud ee dalka.

Waxa uu ugu baaqay Dowladaha dhinaca dhaqaalaha ka taageera AMISOM in ay siiwadan taageerada dhinac walba si waqtiga yare e u harsan ay u dhameystaan.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale ka hadlay Arimaha ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobalka SOOl oo ay ka jirto xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland isagoo labada dhinac ka dalbaday iney ka caqliyeeystaan dagaal qabiil oo ay umidoobaan Danaha iyo Mustaqbalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com