Kulankii Xasan Daahir iyo Ictisaam oo DALAB culus lagu hordhigay DF Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa asbuucii ugu dambeeyey socday kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeyey Kooxda Ictisaam iyo Kooxaha kale oo ay kamid tahay Kooxda Xisbul Islaam iyadoo laga wada hadlayey sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen dowladda Soomaaliya.

Xisbiyadaan ay ku midoobeen culumo Soomaaliyeed ayaa doonayo in wax laga badalo hab qeybsiga dowladda Soomaaliya.

Xasan Daahir Aweys Xassan Dahir Aweyns oo ka mid ahaa dadka qadka telefanka ugu qayb-galay kulamadaas ayaa sheegay in wadanka jihaad lagu xuriyay isla markaasna ay tahay in dadkaas wax laga siiyo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay xoreynta dalka u dhinteen Mujaahidiin badan isla markaasna ay dagaal la galeen dad badan oo doonayo inaan Soomaaliya lagu xukumin Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aysan jirin laheyn Mujahidiinta naftoodii iyo maalkoodii u huray dalka lana dagaalay cadowga itoobiyaanka iyo hoggaamiyo kooxeedyadii dalka xukumi jiray, waqtigaan dalka Soomaaliya wuxuu gaanta ugu jiri lahaa gumeysi aan raali ka aheyn in dalka la xukumo Shareecada Islaamka” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Dhanka kale Shiikh Bashiir oo kamid ahaa dadkii ka qeyb galay kulankaas ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in culimada lagu daro dowladda Soomaaliya si looga baxo dhibaatada dalka ka jirto sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in waqtigaan la joogo ay tahay in Ra’isulwasaare la siiyo culimada Soomaaliyeed si ay wax uga badalaan dalka.

“Wanaagga hadda la gaaray waxa lagu gaaray iskaashi labada dhinac ah, markii Madaxweyne laga soo xusho culumada waxa uu magacaabi jiray Ra’isal wasaare dhanka kala soo jeedo, labadana waa la isku waday, waxaa hadda la jooga xiligii Ra’isal Wasaare ka soo jeeda koox diimeedyadda la magacaabi lahaa, taasoo suuragal ka dhigayso in si wada jir ah loola dagaalo kuwa nabad diidka ah”  ayuu yiri sheikh Bashiir.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa ka hadlay culimo badan kuwaas oo ra’iyi ahaan soo jeediyey in culimada jaanis la siiyo si ay dalka wax uga badalaan.

Xasan Daahir Aweys ayaa ku jiro xabsi guri, wuxuuna ilaa hadda diidan yahay inuu badalo mowqifkiisii hore, wuxuuna xabsigaas ku jiraa ilaa waqtigii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com