25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Geelle oo kusoo fool leh Muqdisho iyo diyaar garoow Muqdisho ka socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo Villa Somalia ayaa sheegaya in maalinta bari ah uu Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia kusoo wajahan yahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdi uu Hogaaminaayo.

Waxaa xiran wadada weyn ee xiriirisa Madaxtooyada iyo Lamber Afar, iyadoo magaalada Muqdisho laga dareemaayo dhaqdhaqaaqyo lagu soo dhaweynaayo Madaxaweynaha.

Ujeedka Booqashada Geelle ee Soomaaliya ayaa ah inuu ka qeybgalo Shirka Akeedimiyad Gobaleedka Afka Soomaliya iyo Maalinta Xuska Afafka Caalmka oo Maalinta beri ah ku began,waxaana kasoo qeybagalaya Hogaamiyaal ka socda Kenya iyo Itoobiya. Shirka waxa uu socon doonaa Mudo Labo Maalmood ah.

Dhanka kale, Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa billaabay baaritaanno ay ku samaynayaan Wadooyinka kasoo baxa Garoonka Aadan cadde, ee aada dhanka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, waxaana la filayaa in Maalinta Sabtida ah la xiro Wadooyinka oo dhan ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News