Ismaaciil Cumar Geelle oo taariikh cusub u dhigay madaxweynayaasha Afrika

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta goobjoog ka noqday heshiis muhiim ah oo dowladdiisa la gashay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong.

Heshiiskan ayaa ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido, xili Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun lag diro dayax-gacmeedka.

Mashruuca dayax-gacmeedka Jabuuti ayaa waxa ku bixi doona Hal bilyan oo dollar, wuxuuna qaadan doona muddo shan sano ah, sida ay ku warameyso wakaalada wararka ee Jabuuti.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah mashruucan in deked iyo waddo laga dhiso gobolka Waqooyiga dalkaas dhaca ee Obokh.

Dowladda Jabuuti ayaa noqon doonta dowladdii ugu horreysay ee Afrikan ah oo sameysata dayax-gacmeed, waxaana lagu wadaa in ay jiri doonaan dowlado kale oo ku daysan doona dowladda uu hogaamiyo Geelle.

Jabuuti ayaa sanadihii dambe ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan oo uu ku hagayay madaxweyne Geelle, inkasta oo xukunkiisa lagu eedeeyo in uu ku kaco falal ka dhan ah xoriyatul qowlka.