Sawirro: Madaale oo daah-furay shir muhiim u ah isla-xisaabtanka maamulka G/B

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan oo socon doono mudda saddex maalmood ah ayaa waxa uu ku salaysan yahay is-barasho iyo in la isu keeno guud ahaan maamulka sare, agaasimayaasha iyo guddoomiyaasha degmooyinka ee magaalada Muqdisho.

“Ujeedka waa si loo hagaajiyo dib-u-habayna loogu sameeyo qaab-dhismeedka shaqo ee maamulka gobolka Banaadir iyo in gobolku yeesho aragti wadareed iyo qorshayaal istaraatiijiyadeed kuna salaysan sidii loo hagaajin lahaa adeegyadda bulshada ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkaan.

Sidoo kale waxa shirkaan looga hadlay in la helo qaab-dhismeed sawiran oo ku dhegan qayb walba iyo degmo walba ee gobolka Banaadir ah, waxaana la filayaa in banbaxaan laga soo saari doono qorsha siyaasadeedka iyo xeerarka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkaan daah-furay ayaa madaxdii kasoo qeyb-gashay kula dardaarmay in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bulshada.

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale waxa uu madaxda maamulka gobolka u sheegay in aan marnaba la aqbali doonin musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.

Guddoomiye ku-xigeenada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir oo iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxay tilmaameen in shir-weynahaan banbaxa uu noqon doono mid ahmiyad gaar u leh horumarinta caasimadda, fulinta adeegyada bulshada, hogaaminta siyaasada cad ee gobolka iyo isla-xisaabtan ku aadan gudashada waajibaadka shaqo.