Ciidanka K/ Galbeed oo laga wareejiyay amniga goobta uu ka dhacayo shirka + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa in laga wareejiyay amniga goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi oo ay ka qaybgalayaan xubnaha mucaaradka ee jooga magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu shirka ka dhacayo iyo amniga guud ee magaalada lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Ujeedada arrintaan ka dambeysa ayaa ah fulinta dalabka xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Lafta-gareen oo horay u sheegay inay u baahan yihiin gacan ka madax banaan maamulka oo sugta amnigooda inta ay wada-hadalka u joogaan magaalada Baydhaba.

Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo isagu iclaamiyay shirkan oo haatan ku sugan Baydhaba ayaa la kulmay saraakiisha howlgalka ATMIS, isaga oo kala hadlay arrimaha amniga, wuxuuna xaqiijiyay in lagu wareejiyay amniga guud.

Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro weerarada kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.

Dhankooda saraakiihs ATMIS ayaa guddoomiyaha u sheegay in ay sugi doonaan amniga guud ee magaalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo & wufuuda imaaneysa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu furo shirkaan, isaga oo saacadaha soo socda gaari doono magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku hayaan labada dhinac.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa la filayaa in go’aanno wax ku ool ah ay kasoo baxaan shirkan oo kusoo aaday, xilli loo baahnaa oo ay qalalaase ka taagnaayeen Koonfur Galbeed.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay mucaaradka ka horyimaadeen muddo kororsiga loo sameeyay Lafta-gareen, waxaana ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Baydhaba