Darawalkii 2-baad ee masuul dowladeed oo Shabaab u goostay kadibna u geeyay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in darawalka mid kamid ah golaha wasiirada maamulka Jubbaland uu u goostay Al-Shabaab, isla-markaana uu iska dhiibay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Darawalka ayaa u shaqeynayay wasiir ku xigeenka wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee maamamulkaasi Mustaf Xaaji, wuxuuna la goostay gaari qaali ah oo ay wasaaraddu laheyd.

Gaariga ayaa noociisa lagu sheegay Hardtop, waana gawaarida lagu isticmaalo dhulka bacaadka ah, kaas oo ay horay Jubbaland ugu deeqday hay’ad caalami ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga la geeyay magaalada Jilib oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ma cadda sida uu ninkan darawalka ah ugu suura-gashay gaariga uu la baxsaday iyo sida lagu ogaan waayay wada-shaqeynta kala dhexeysay koxoda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ammaanka oo ku aadan gaarigaasi lala goostay ee loo geeyay Al-Shabaab.

Waa dhacdadii labaad, ayada oo dhowaan darawalka guddoomiyihii hore Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu isna isku dhiibtay kooxda Al-Shabaab.

Darawalkaas oo muddo 4 sanno ah la shaqeeyay Mursal ayaa maalmo kahor u goostay Al-Shabaab, isagoo markaas ka tegay guriga guddoomiyaha, waxaana arrintaasi ka dhashay shaki xoogan iyo walaac amni, maadaama aan xog badan laga helin baxsashadiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo inay ka billowdaan gobollada Jubbooyinka.