Halka ay kasoo billaabatay xiisadda Laascaanood, halka ay joogto – Kaalinta DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo dhowr iyo toban cisho ah magaalada taariikhiga ah ee Laascaanood maalin walba rabshado dhimasho wata ayaa laga soo warinayay, dagaalo goos-goos ah ayaa dhinac socday kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Xiisadda Laascaanood ayaa markii hore ku billaabatay diidmo la xiriirta dilalka joogtada ah ee loo geysanayo waxgalkii magaalada, hadase waxay joogta Somaliland ma ogolin.

Dhinaca ay kasoo kacday xaaladu iyo cirifka ay maanta joogto waa wax aad u kala fog. Dhowrkii cisho ee ugu dambeysay xaaladda magaalada Laascaanood ma aanay darneyn.

Sida ay Somaliland u maareysay banaan-baxayaashii ayaa loo arka sababta adkeysay xaalada, sababtayna geerida badan.

Meelaha dadka reer Laascaanood ay farta ku taagayeen oo war iyo wax-dheef ka rabeen waxa kamid ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadkan careysay waxay aad u dalbanayeen in dowaldda dhexe ee Soomaaliya ay cadeyso mowqifkeeda arrinta Laascaanood.

Inkasta oo dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza ay hogaaminayeen si cad u sheegtay inay diidan tahay gooni isku taaga Somaliland, haddana kaalintooda xiisada taagan waxaa loo arkayay ahmiyad gaar ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo markii hoos loo dego xaga saami-qeybsiga siyaasadana isagu Laascaanood metelaad u ah ayaa markii ugu horeysay si furan uga hadlay.

Wareysi uu dhawaan bixiyay waxa uu Ra’iisul Wasaaraha si adag u diiday in la-laayo dad shacab ah oo aan hubeysneyn, isaga oo farta ku fiiqay waxa laga rabo Somaliland.

“Marka koowaad waa ka tacsiyadeynaya intii ku dhimatay, dadkii ku dhaawacmayna Allaha u booga-dhayo. Marka labaad qofka Soomaaliga ah meelkasta ha ku noolaado in dhiigiisa si xaqdaro ah loo daadiyo waa khad casaan ah oo lama aqbali karo,” ayuu yiri.

“Dadka Soomaaliyeed ee degan Laascaanood, maamulka jooga Somaliland waxaa usoo jeedinaya inay dadka la hadlaan oo qori afkiisa lagula hadlin laakiin loo yimaado oo si nabad ah waxay rabaan loo weydiiyo lana dejiyo.”

“Colaad sideedaba Soomaalida hore ayay u tiri wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, waxaa soo jeedinayna deganaansho iyo nabad in deegaanka lagu soo dabaalo oo si wada-hadal ah lagu dhameeyo wixii jira.”