Geeridiisa ka hor: “Ama geeri ama gurigeyga”

Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga heyalayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dagaalka oo u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka saaka ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ah taliyihii garoonka diyaaradaha  Dhuusamareeb ee ciidanka nabad sugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye.

Marxuumka ayaa qeyb ka ahaa saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ku qaadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Cabdiqani ayaa daqiiqado ka hor geeridiisa Facebook-ga ku soo qoray ‘ama geeri ama gurigeyga’, wuxuuna ugu dambeyn ku dhintay dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay halkaasi.Dagaalka ka socda Guriceel ee lagu qaaday Ahlu Sunna ayaa noqday mid lagu hoobtay waxaana illaa iyo haddda ku dhintay dad kor u dhaafaya 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac, kuwaas oo wada is uruursi yo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo milatari iska soo horjeedo.