Gen Bashiir Goobe oo loo magacaabay taliyaha..

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ansixiyay talo soo jeedinta magacaabidda taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed, iyadoo shirkoodii maanta ee golaha wasiirada khamiis kasta yeeshaan.

Shirka uu guddoominayay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid  waxa taliyaha Asluubta u magacaabeen Gen. Bashiuiur Maxamed Jaamac (Goobe)  oo ahaa xildhibaan, horena u soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda nabadsugidda.

 

bashiir-goobe-1Gen. Bashiir Goobe ayaa golaha wasiirada qaarkood dood ka keeneen inuu hore ugu fashilmay hay’adda nabadsugidda balse waxa markii danbe difaacay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo laf ahaantiisa sheegay inuu hore u fashilmay, fashilkuna uu aha siyaasad. Cod ay u qaadeen ayaa sidoo kale lagu ansixiyay inuu Bashiir Goobe noqdo Taliyaha ciidamada Asluubta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa awood dastuuri ah u leh inuu magacaabo taliyeyaasha ciidamada dalka, iyadoo magacaabidda golaha wasiirada ay noqon doonto soo jeedin kadibna uu magacaaabi doono madaxweynaha. Hadiise ay dhacdo inay golaha wasiirada iska magacaabaan waxay noqon doontaa sharci darro ku xiran inuu madaxweynuhu raali ka noqdo iyo inkale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com