Gen. Darwiish oo qiray xogtii Caasimada Online

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Maxamed Faarax Darwiish wasiirka arimaha  gudaha maamulka Jubba, ayaa kusoo laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa si cad u sheegay jiritaanka xog aan horay uu baahinay oo ku saabsaneyd caafimaadkiisa.

Mr Darwiish, wuxuu si cad u sheegay in arimo caafimaad uu u tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu ku sugnaa muddo bil ka badan, sida uu ku sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba.

Safarkiisa dalka Kenya wuxuu sidoo kale sheegay iney qeyb ka ahaayeen kulamo uu la qaadanayay madax kala duwan oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Caasimada Online, ayaa horay u baahisay warbixin ku saabsaneyd xaalada caafimaad ee wasiirka iyo isbitaalka uu ka galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com