AXMED C/salaan oo la shiray 2 oday dhaqameed ee ugu miisaanka culus shirka CADAADO (XOG)!

Cadaado (Caasimada Online) – Musharax Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka mid ah u tartamayaasha Madaxtinimada Maamulka GALMUDUG ee la filayo in dhowaan Caddaado lagaga dhawaaqo, ayaa wadahadallo halkaasi kula leh qaar ka mid ah Nabadoonada iyo Odayaasha dhaqanka beelaha Mudug iyo Galguduud.

Axmed C/salaan kulamadii ugu dambeeyey wuxuu la yeeshay Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye iyo Ex. Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor oo ka mid ah hormuudka dhaqanka beesha Waceysle, waxeyna ka wadahadleen xaaladda shirka; iyada oo kulamadaasi la isku weydaarsaday sidii loogu dhabar-adeygi lahaa in shirku najaxo, waxaanna si isku mid ah la isugu afgartay in hogaaminta shirka iyo maamulidiisa in Dowladdu bannaanka ka istaagto, kuna koobnaato fududeynta tasiilaadka shirku u baahan yahay, ergaduna ay noqoto kuwa cidda ay soo xulayaan ku soo xulo karti iyo waxqabad, lagana fogaado in dhaqaale dartii qof lagu doorto.

Wararka ka imaanaya kulamada Axmed C/salaan uu la yeeshay Nabadoonada waxey sheegayaan; in labadda dhinac ay isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshada ku dhaqan Goboladaasi ay iyaga oo gacmaha is haysta ay wada ayidaan dhismaha maamulka, ciddii ku soo baxda doorashadana si sharciga waafaqsan loola shaqeeyo, iyada oo danta shaqsiga ah laga hormarinayo maslaxada guud ee bulshada ku dhaqan labadda Gobol, waxaanna uu sheegay Nabadoon Ahmed Diiriye oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay inuu si weyn u soo dhaweeynayo in Murashax Axmed Cabdisalaan isu taago xilka Maamulka labada Gobol, isaga ku tilmaamay shaqsi karti u leh hogaminta iyo Maamulka.

“Axmed waa shaqsi kartidiisa waxqabad horay loo soo tijaabiyey; dadka Goboladan ku dhaqan baahida ay u qabaan nabad iyo horumar dhinac waliba leh waxaan rumeysnahay inuu yahay shaqsi ku haboon ee howshaas adag ka soo bixi kara” Ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye, wuxuuna intaa ku sii daray in musharax Axmed C/salaan aad loogu xasuusto waqtigii adkaa ee Xamar uu dagaalku ka socday, inuu ahaa shaqsigii xilligaa waddanka ka soo badbadiyey xaalad aad u adag oo haddii ay sii socon lahayd maanta la heleen wax dhaqaaqa iyo wax maamul dhistaba.

Axmed Cabdisalaan oo kulankaasi ka hadlay, wuxuu si weyn u sharaxay sababta kentay inuu isku taago xilka madaxweynenimo, isaga oo xusay in bulshadda Gobolada dhexe ka codsatay inuu xilkaas qabto.

“Amniga oo la adkeeyo iyo horumarka degaanka oo kor loo qaado ayaa ah waxa aan doneyno inaan qabto haddii aan guuleysanno” Ayuu yiri Axmed C/salaan.

Dhinaca kale, Murashax Axmed C/salaan dhinacyada uu la kulmay waxaa ka mid ah Nabadoon C/llaahi Geeddi Shaddoor isaga oo ku booqday Nabadoonka iyo ergada beesha Waceysle halka ay Magaalada ka degan yihiin, waxaanna ay isla soo qaadeen in shirku noqdo mid maamulkiisa ay u madax-bannaan yihiin waxgaradka beelaha Goboladaasi degan.

Cabdullahi Geedi Shadoor ayaa sheegay in ay lagama Maarmaan tahay in ummaddu tashato wax ay isku raacsanyihiinne sameeystaan, haddii aan taas lahelina ay ka doorbidayaan in Shirka la joojiyo. “Intii wax qaldan la dhisi lahaa ayna adkaan lahayd in dib loo saxo waa in maanta aan toosinaa waxii qaldan” Ayuu yiri C/llaahi Geeddi Shadoor.

“Ma jirto cid aan ku haleeyneeynno masiirkeenna waana waajib in aan wixii qaldan saxnno, Maamulka annagu dhisanno, haddii bulshadda go’aanka gacantooda la galiyo wax shaki ah Kama qabnno inaan kasoo baxeynno, Balse waxaa dhib ah in wax la qariyo oo la gacan bidixeeyo” ayuu yiri Axmed Cabdisalan.

Beesha Waceeysle ayaa shirka horay uga baxay, kadib markii ay ku qanci waayeen qaabka shirku u socday, soo laabashadoodu waxa ay ku soo adeeysaa iyada oo ay beelo kale shirka isaga baxeen, caqabada badane harreeyeen shirka maamul sameeynta Mudug iyo Galgaduud.

Weriye: C/naasir Fiidow Cumar