XOG: Wasiir Odawaa oo Ahlu-Sunna kala kulmay waji uusan ka fileynin + DF oo xaal kun xu yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia C/raxmaan Odawaa uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa soo baxaayo warar kala duwan oo laga helaayo kulan hordhac ah oo uu la qaatay Hogaanka sare ee Ahlusuna wal-jameeca.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulankii ugu horeeyay uu Odawaa ku dhacay bohoshii ay u qodeen Ahlusunna waxaana la soo warinayaa in marka hore ay Mas’uuliyiinta iyo Saraakiishuba kasoo horjeesteen inay la kulmaan Wasiirka iyo Wafdigiisa.

Ahlusunna ayaa ku gacanseertay in arrimahooda gaarka ah ay kala hadlaan Odawaa kadib markii ay sheegen in Wasiirka uu yahay mid ku hadlaayo kaliya fariimaha Madaxweyne Xassan uu usoo dhiibay, sidaa awgeedna ay cadeeyen inaysan wasiir u aqoonsaneyn.

Muran dheer kadib ayaa waxaa la tilmaamayaa in Maamulka Ahlusuna ay ogolaaden inay la fadhiistaan Wasiirka iyo Wafdigiisa si xal looga gaaro ka bixitaanka ay ka baxeen Shirka Cadaado iyo duulaanka dhul balaarsiga oo ay wadaan.

Afhayeen u hadlay Ahlusunna ayaa sheegay in Odawaa kaliya ay kala hadleen arrimahooda gaarka ah iyo cabashooyinkooda.

Waxa uu tilmaamay in go’aankoodu yahay in laga xaalmariyo waxyaabaha ay tabanayaan ama inay ka madax-banaanaadan muranada ay abuureyso DF Somalia.

Waxa uu cadeeyay in kulanka kala dhexeeya wasiirka ay uga bixi doonaan waa hadii ay kawaayan Siyaasadooda gaarka ah.

Ahlusuna ayaa aaminsan in Wasiir Odawaa uu yahay shaqsi u jan jeera dhanka Maamulka Cadaado islamarkaana kasoo horjeeda fikirada ay bixinayaan Ergooyinka ku shiraayo Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com