Mid ka mid ah mas’uuliyiintii uu SHARIIF XASAN magacaabay oo xilka is casilay iyo sababta (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Magaalada Marka ee Xarunta G/Sh/Hoose, ayaa sheegaya in mid kamid ah Mas’uuliyiintii uu magacaabay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan uu xilka iska casilay.

Gudoomiye ku-xigeenka Siyaasada Degmada Marka Xuseen Cabdi Maxamed Rooti oo maalin ka hor loo magacaabay xilkaasi ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

Mr Rooti ayaa is casilaadiisa u sababeeyay arrimo dhowr ah oo la xiriira amuurihiisa gaarka ah waxa uuna sheegay in ka shaqsi ahaan uusan Maamulka xiligaani wixii ka dambeeya u heyn wax xil ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in Is casilaada Rooti ay ka dambeysay Khilaaf hoosaad ka dhextaagan Beelaha halkaasi wada dega iyo Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia, inkastoo uusan si gaar ah u taaban sababta rasmiga ah ee uu xilkaasi isaga casilay.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ku dhex jira magacaabista Gudoomiyayaasha Gobolada, Degmooyinka iyo Taliyayaasha Ciidamada amaanka Maamulka Koonfur galbeed uu yeelanaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com