George Musamali: DF waxa ay muujisay awooddeeda, Kenya waa inay walaacdaa

Abu Dhabi (Caasimada Online) – George Musamali oo ah Kenyan agaasime ka ah Xarunta Maareeynta Halisaha ee Afrika, ayaa sheegay in dhacdooyinka gobolka Gedo ay yihiin kuwa ay dowladda Soomaaliya ku muujineyso awooddeeda, islamarkaana ay tahay in Kenya ay walaacdo.

“Waxa Gedo ka dhacaya, waa dowladda Soomaaliya oo muujineysa awooddeeda, oo Kenya ku leh ma aqoonsanin maamulka Jublanad. Go’aanka madaxweyne ku-xigeenka Jubaland loogu diiday inuu galo Gedo ee uu ugu xaniban yahay Kenya ayaa muujinaya sida dowladda ugu awood badatay Gedo.” Ayuu yiri Musamali oo la hadlay qeybta English-ka ee VOA.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Kenya si tartiib ah looga tirayo Gedo, oo xuduud ay la wadaagto laguna beddelayo ciidamo Itoobiyaan ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay ceersaneysaa Kenya, Kenyan-ka ayaa laga saarayaa howl-gallada Gedo, waxaana lagu beddelayaaa ciidamo Itoobiyaan ah oo dowladda Muqdisho saaxiib la ah, waxaana dhowaan arki doonnaa dhaq-dhaqaaqyo culus oo halkaas ka dhaca” ayuu yiri.

Musamali ayaa dhinaca kale sheegay in gobolka Gedo uu halis amni ku noqon karo Kenya, islamarkaana ay tahay in xukuumadda Nairobi ay ka walaacdo.

“Maadaama hadda Kenyan-ka laga saaray Gedo oo dano badan ay ka leedahay, tani waxay halis amni ku tahay Kenya, sababtoo ah ma naqaan waxa ay sameyn doonaan ciidamada Itoobiya. Kenya waa inay arrintan ka wel-weshaa.” Ayuu yiri.

Hadalka Musamali ayaa imanaya ayada oo inta badan maamulka gobolka Gedo uu u gacan galay dowladda Soomaaliya, kadib markii ciidamadii Jubaland ee gobolka ay shaaciyeen inay ku biireen dowladda Soomaaliya.

Kenya waa dowladda kaliya ee si rasmi ah u aqoonsatay dib u doorashada madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.