CC Shakuur: Ma ahi caami dhega wayn oo uu wadaad kitaab gaablow bursan karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ka jawaabay fal-celintii ay ka sameeyeen, Sheekh Cabduqaadir Soomow iyo Sheekh Cali Wajiis khudbad oo dhowaan u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay inuusan soo qaadan Xadiis gooni ah oo uu beeniyey, basle wuxuu tilmaamay in uu sheegay in Culimada qaarkood ay adeegsadaan Axaaddiis been abuur ah oo ay jeebka kala soo baxaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka khudbadiisu aheyd in aan dumarka la liidin, lana xaqirin, iyadoo la adeegsanayo dhaqan duug ah iyo faham khaldan.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay arrintaan faafinayaan wadaado uu sheegay inay Villa Soomaaliya ku biisho canshuurta laga qaado Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaasna ay arrintaan u adeegsanayaan dano siyaasadeed.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inuu yahay bini’aadam qaladna uu ka dhici karo, haddii ay jiraana wax qalad ah uu galay uu Alle dambi dhaaf waydiisanayo.

Halkan hoose ka aqriso jawaabta uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waxaan baraha bulshada ku arkay fal celin laga sameeyey khudbad aan kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka ku nool, gaar ahaan qayb aan ku daafacayey kaalinta haweenka ee dhanka siyaasadda iyo bulshada. Falcelinta waxay u badnayd mid togan, waxaase jirta qayb si taban looga falceliyey.

Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “caqligooda iyo diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah; waxaan kale oo sheegay in xaqiraaddaa loo adeegsado axaaddiis been-abuurad ah oo faalso ah oo ay culimadaa jeebka kala soo baxaan.

Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sanadkiisa السند (taxanaha warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (erayada xadiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen, laakiin waxaa jirta axaaddiis badan oo saxiix ah xagga silsiladda tabinta laakiin u baahan in la macneeyo, lana waafajiyo quraanku iyo Axaadiista kale ee Nabiga (NNKKH), maqaasidda iyo ruuxda shareecada.

Sida aan soo xigtay qisadii Balqiis iyo aayado badan oo quraanka ahba iyo axaadiis badanba waxay muujinayaan in dumarku ay la mid yihiin ragga, waajibka diinta, ajarka iyo xasanaadka, farista wanaaga iyo reebista xumaanta u siman yihiin, ayna jiraan haween magac iyo maamuus weyn ku dhex lahaa, yeelana doona bulshada islaamka.

Ujeedka khudbadaydu waxa ay ahayd in aan dumarka la liidin, lana xaqirin, iyadoo la adeegsanayo dhaqan duug ah iyo faham khaldan ee dhinaca Diinta ah.

Waxaa u baahan in loo hiilliyo waa dumarka walaalaheen ah ee islaamnimadu iyo Soomaalinimadu naga dhexeyso, ee ma aha in gaar laga hayo dhaqan gurracan ama fasiraad khaldan oo diinteena xaniifka ah laga bixiyo.

Duullaan kuma ihi Axaadiista Nabigeena Suuban (NNKH), mana jirto cid aan olole siyaasadeed uga rabo, ama aan is leeyahay ku raali geli, balse waxaan jeclahay daafaca iyo muujinta quruxda, naxariista, turista, dulqaadka, samafalka, daryeelka, wada noolaashaha, ixsaanka iyo taasamuxa Islaamka.

Ma filayo in uu jiro Sheekh Soomaaliyeed oo Diinta baac ku leh oo aan kitaab ka raacan, Suufi, Salafi, Ikhwaan iyo Salafiya Islaaxiyah intaba. Kitaab raacasho, daraaso jaamacad, daalacasho iyo cilmi baaris Diinta ah ku dhowaad 25 sano ayaan ku jiray, sidaas oo ay tahayna waxaan qirsanahay in aan khaldami karo, ama hadalkayga khalad laga fahmi karo, laakiin ma ahi caami dhega wayn uu wadaad kitaab gaablow ah bursan karo.

Ma khaldame waa Ilaaheey, isaga ayaana danbi dhaaf waydiisanaynaa wixii aan ku gefo.

Ma jiro Xadiis aan inkiray ama beeniyey, waana mahadsan yihiin culimada talooyinka iyo naseexada soo jeediyey, waxaan se marna aqbali doonin in dumarku caqligoodu iyo diintoodu nuqsaan tahay, waxaana filayaa in culimaduna ay taas igu raacsan yihiin, waxaana ka rajaynayaa in ay arrinkaas caddeeyaan.

Laakiin waxaa mudan in la xuso rag magaca culimada ku qaraabta oo ku raad jooga dagaal siyaasadeed oo ay wakiil uga yihiin kooxda Villa Somalia, laguna biilo canshuurta shacabka laga qaado, iyo kuwa kale oo weli ku dhegan faham khaldan ee dumarka magac diineed xaqooda lagu duudsiinayo.

Wixii aan asiibay Alle xaggiisa ayey ka ahaatay, wixii aan khaldayna naftayda iyo shaydhaan ayaa iska leh.

Haweenkeena Allaha guuleeyo, garaad iyo diin midna lama dheera.