Guddoomiyihii Awdheegle oo QARAX miino lagu dilay

Awdheegle (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Awdheegle ee gobolka Shabelelaha Hoose ayaa sheegaya in goor dhow qarax miino lala eegtay guddoomiyihii degmadaas Maxamed Yarow, kaasi oo uu geeriyooday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyey in qarax miino oo loo dhigey uu gudaha degmada Awdheegle ugu geeriyooday guddoomiyihii degmadaas.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale dhaawacyo ay kasoo gaareen saddex ka mid ciidamada ilaalada u ahayd guddoomiye Maxamed Yarow.

Xilliga uu qaraxa dhacayey ayaa gaariga uu saarnaa guddoomiyaha waxa uu marayey marayay inta u dhaxeysa Awdheegle iyo deegaanka Bariire.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa waxaa ay hataan howl-gal ka wadaan gudaha degmadaas, gaar ahaan halka uu qaraxa ka dhacay.

Maxamed Yarow ayaa ahaa guddoomiyaha Awdheegle lixdii sane ee ugu dambeysay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.