Giggs: Rooney wuxuu goolal u dhalin karaa sida C.Ronaldo.

Ryan Giggs  ayaa soo arkay qaab ciyaareedka Cristiano Ronaldo  wuxuuna sheegay inuu haatan wadadaas cagta saaray Wayne Rooney weeraryahanka Manchester United.

Rooney ayaa laba gool ka dhaliyey kulankii Manchester derby waxayna ka dhigeysaa inuu .afar gool dhaliyey labadiisii kulan ee ugu dambeysay Premier League. Ka hor goolashaan, si kastaba, Sir Alex Ferguson ayaa qirtay inuu weeraryahanka reer England uusan goolal ku filan dhalin marka loo barbar dhigo Robin van Persie.

Maadaama ay yihiin laba ciyaaryahan oo kala gedisan, Giggs ayaa aaminsan inuusan Rooney aheyn ciyaaryahan ‘Isugu goolasha isla jecel’ bedelkeedana uu asxaabtiisa goolasha u abuuro.

“Weyne wuxuu leeyahay qaabka uu ciyaaryahan goolal u dhaliyo, laakiin hadii uu jiro qof goolal badan dhaliya ma ahan mid aan abuurid badneyn,” ayuu yiri Giggs.

“Aad ayuu ugu farax san yahay inuu goolal dhaliyo uuna goolal muhim ah weliba dhaliyo sidii uu sameeyey Axadii.

“Waa sida Cristiano uu halkaan ku ahaa, wuxuu dhaliyey goolal badan. Weyne wuxuu dhalin karaa goolal intaas ka badan.
“Wuxuu dhalin karaa goolal, wuuna abuuri karaa. Waa fiicnaan lagu daray wanaag inuu goolal ka dhiliyo City.”