Go’aan culus oo laga soo saaray shirkii Musharaxiinta iyo 10 shardi oo lagu xiray ka qeyb-galka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo maalmihii dhowaa shirar ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay caawa soo saareen ku dalbaday in la hakiyo doorashada golaha shacabka, oo ay horey u sheegeen in la boobayo.

Golaha ayaa sidoo kale dalbaday in la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo, bay yiraahdeen, boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado.

Si ay taasi u hirgasho golaha ayaa dalbaday arrimaha soo socda:

a) In Ia faafiyo Iiiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi-beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta. 

b) In la xaqiijiyo ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, Ia diiwan geliyo, la faafiyo magacyadooda. 

c) In kursi kasta lagu tartamo islamarkaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro. 

d) In goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogayaal Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, iyo saxaafadda madaxa bannaan. 

e) In dib loogu laabto doorashada kuraasta Ia boobey lana waafajiyo habraaca doorasho ee lagu heshiiyo.

f) In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso doorashada. 

g) In aan baaritaan lagu celin karin xubnihii Baarlamaankii hore, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo oo keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagixiso oo caddayn leh. 

h) In murarashaxiinta u tartamaysa kursi kasta ay helaan fursado siman oo ay ergada kursiga kula kulmi karaan, ergadana aan loo diidin inay si siman u arki karaan murashaxiinta kursiga 

i) In aan Muqdisho loo soo wareejin karin kuraas deegaan doorasho kale. 

j) In la xaqiijiyo qoondada haweenka lana qeexo sida ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo qoondaynta loogu beegsanayo murashax gaar ah. 

Qoraalka ayaa ugu danbeyn lagu yiri “Goluhu wuxuu diyaar u yahay in uu doorashooyinka ka qaybgalo haddii la waafajiyo shuruudaha kor ku xusan, haddiise la baal maro, lana sii wado boobka doorashada, Goluhu isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran, wuxuu qaadayaa tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah samatabixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan.”