Maamul cusub oo Galmudug ‘laga dhisayo’ xilli ay kordheen beelaha diidan Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug ayaa maanta ka qabsoomay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, taasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii.

“Galmudug waxaa wax uga dhisanay xuquuqdeeda in aan wax ku yeelano, haddii aan ka weynay xuquuqdeena waalid nooma aha oo xaq naguma laha in aan tashano ayaa xaq u leenahay,” ayuu yiri Oday kamid ah Odayaasha beelahaas oo ka hadlay shirkaas.

Waxay sheegen in maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor uu dhageysan waayey tabashadooda, islamarkaana aysan maamulka ku haysan adeegyadii aasaasiga ahaa, sida ay hadalka u dhigeen.

“Mar haddaan shaqaalaheeda xataa waxba ka laheyn, marti ma nihin aan tashano oo maamul aan dhisano, sabirnay oo isbedel weynay waxaana laguma jiri karo. Oday beeleedkeena la dhageysan maayo oo Ugaaskeena la dhageysan maayo.”

Sidoo kale waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, taasina ay horseeday inay iska horyimaadan beelaha maamulkaas, oo ayadu hore u sii kala fogeysay, sida ay sheegen.

Maamulka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajahayay dhibaatooyin dhowr ah oo dhanka amniga iyo maamulka ah oo sida la fahamsan yahay ay horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii