Qaraxyo ‘ay diyaarinayeen’ Al-Shabaab oo la fashiliyey

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee ka tirsan Gobolka Bari.

Howlgalka ciidamada ay sameeyeen ayaa waxaa lagu burburiyey saldhigyo ay ciidamada Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalo buuraleyda Golis.

Sidoo kale, saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalka sameeyey ayaa sheegay inay qabteen waxyaabo qarxa oo ay diyaarinayeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee howllgalka lagu sameeyay.

Ma jirto illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada maamulka Puntland ee ah inay burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab iyo dilka dagaalyahanada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa saldhigyo waaweyn ku leh Buuraleyda Golis waxayna marar badan halkaas kasoo qaadeen weeraro culus. Sidoo kalana waxaa halkaas ku dhuumaaleysanaya dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli uu khilaaf u dhaxeeyo ciidamada PSF ee loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni kaasoo saameyn xoog leh ku yeeshay Magaalada Boosaaso.