Maxkamadda ciidamada PUNTLAND oo amar culus dul-dhigtay hay’adda PSF

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee maamulka Puntland ayaa war ka soo saartay Ilaalinta dhammaan Hantida hay’adda ciidamada PSF, oo garab ka mid ah ay xiisad xooggan kala dhaxeyso madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu amray Agaasimaha hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr in uu mas’uuliyad iska saaro Ilaalinta dhammaan Hantida Ciidanka PSF. Hoos ka aqriso qoraalka maxkamadda.

KU: AG/Guud ee Ciidamada PFS S/Guuto Aamiin Cabdullahi Xaaji Khayr
OG: Madaxweynaha Dowladda Puntland
OG: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland
OG: Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland
OG: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland 

Anigoo tixraacaya qodobada xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland iyo Soomaaliya, sida qodobada soo socda:- (B) 289. (T) 290. (J) 291. (X) 305/306/307. 

Kuwaas oo tilmaamaya xariga, ganaaxa iyo ciqaabta Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland. Qodobadan soo socda waxay fiira gaar ah u lee-yihiin Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dembiyada ay galaan 308/309/310/311, qodobadaasi waxay qeexayaan Xilkaqaadista, Xariga iyo ganaax ay mutaystaan dhammaan saraakiisha ciidamada ee gala dembi in laga qaado Xilka, in Xabsi loo diro iyo in Ia Ganaaxo.

Qodobada Xeerka ciidanka oo lala akhriyo qodobada dastuurka dowladda Puntland, sharciga iyo kala dambaynta wixii amardiido Dowli ah Ia yimaada ayaa lagu qaadayaa qodobada kor kuxusan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ah Taliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida Ahna Illaaliyaha Sharciga, Dastuurka, Qawaaniinta iyo Shuruucda Dalka u yaalla. Xil Magacaabis iyo Xilkaqaadis waxaa iska leh Taliyaha Guud ee Ciidmada Qalabka sida ee Dowladda Puntland waana Madaxweynaha Dowladda Puntland.

QODOBKA 1-AAD ee kala saraynta ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland, cidkastoo ka hortimaada qawaaniinta, shaciga iyo kala dambaynta dowliga ah waxaa lalatiigsanayaa xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida iyo Maxkamad ciidan oo Ia horkeeno cidkasta oo ku xad gudubta Dastuurka Dowladda Puntland iyo ilaalinta Dartuurka sharciga ciidanka u yaalla. Cidkasta oo ku xad gudubta waxay la kulmaysaa ciqaab Maxkamadeed, qofkasta wuxuu Ia kulmayaa ciqaabta u dhiganta qodobada kor ku xusan.

Waxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Dembiyada Culus soo gudbinaysaa, kuna Amraysaa Agaasimaha Guud ee ciidanka PSF S/Guuto Amiin Cabdullahi Xaaji Khayr inuu ilaaliyo, masuuliyad dhammaystirana iska saaro Hubka, Gaadiidka, Dareeska iyo dhammaan hantida ciidamada PSF wax Bad ku jira iyo wax Beriyaalaba, isla- markaana uga guto waajibaadkiisa sida uu qabo dastuurka Dowladda Puntland ee dhawrista hantida Dowliga ah. 

S/GUUTO MAXAMUUD CABDI MAXAMED