Go’aan lagu gaaray shir ay caawa yeesheen Rooble iyo madax goboleedyda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga, kaas oo ay ka qeyb-galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban xukuumadda federaalka, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho.

Shirka caawa oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa lagu go’aamiyey inay Muqdisho isugu yimaadaan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Khamiista soo socota oo ku beegan 19-ka bishan Agoosto ayaa la isku raacay inuu Muqdisho ka furmo shir u dhaxeeya golaha wadatashiga qaranka, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka golaha shacabka, iyo qodobo kale.

“Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka uu baahiyey xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku boorriyay madaxda dowlad goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare, si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraalka.

Xarumaha dowlad goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay doorashooyin ay ku soo baxeen 29-Senator, waxaana weli dhiman qaar kale, iyadoo ay jiraan dhaliilo xooggan oo dul hoganaya hanaanka ay madaxda maamul goboleedyadu u maamulayaan doorashada Aqalka Sare.