Wax badan ka ogow kursiga xildhibaanimo ee u taagan yahay Cabdirashiid Janan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqay musharaxnimadiisa xildhibaanimo ee golaha shacabka, kadib markii uu kasoo baxay xeendaabka Villa Somalia, una soo galay mucaaradka.

Cabdirashiid Janan oo muddo badan dagaal kula jiray dowladda federaalka ayaa billooyin ka hor isku soo dhiibay, kadib heshiis dhex-maray balse wuxuu kasoo baxsaday laba malamood kahor, inkasta oo uu diiday inuu si cad u qirto.

Haddaba, Kursiga Janan uu shaaciyey inuu u taagan yahay ayey summadiisa tahay #HOP116, kaasi oo deegaan doorashadiisa tahay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ee maamulka Jubbaland.

Kursigan ayaa waxaa xiligaan ku fadhiya Xildhibaan Cabdulqadir Aadan Nuur, waxaana jira musharaxiin dhowr ah oo uu kamid yahay Cabdulqaadir oo u taagan kursigaas, sida ay qaarkooda ka sheegen warbaahinta.

Kursigaan oo deegaan doorashadiisa tahay degmada Garbahaarey, ayaa waxaa si weyn isugu hayey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay isku maandhaafeen damaca Cabdiashiid Janan ee ahaa inuu ka mid noqdo xildhibaannada baarlamaanka 11-aad, taasoo keenay inay labada dhinac isku dhacaan, kadibna Janan uu xiriir la yeesho siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho oo midkood uu marti geliyay.

Arrintan ayaa dhabarjab ku ah Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si-dhiibidii C/rashiid Janan ka dhigay guul weyn oo siyaasadeed.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kal hore go’aamiyey in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta Gobolka Gedo si ay habsami ugu dhacdo doorashada Gobolka Gedo.