Warbixin: Yey yihiin, maxaase ka naqaan seddexda Senator ee lagu doortay Baydhaba?

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka dhacday doorashada Saddex kursi oo kamid ah Aqalka sare, kuwaas oo ka harsanaa sideeda kursi oo Maamulka Koonfur Galbeed ku matala Aqalka Sare.

Ilaa lix musharax ayaa ku tartmayay Saddexda kursi ee Aqalka Sare, waxaana goobjoog ka ahaa kulanka oo codeynayay 91 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

1- Xasan Xuseen Xaaji: Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, kaas oo helay Codad gaaraya ilaa 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.

Xasan Xuseen Xaaji waxa uu ka hor soo galitaankiisa siyaasadda ahaa Qareen mudo 20 sano ah, sidoo kale wuxuu soo noqday la taliyihii hore xaga dastuurka ee xafiiska madaxweynaha.

Shaqooyinka usoo qabtay waxaa ka mid ah xubin guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka, dhanka xukuumadda waxa uu ahaa wasiirkii hore cadaaladda xukuumadii kheyre, isaga ooo hadda ah wasiirka gashaandhigga.

2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal: Kursiga 2aad ee doorashada Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed waxaa ku tartamay Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdiqaadir Cabdi Axmed.

Cali Sheekh Maxamuud Gacal ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 68, halka Cabdiqaadir Cabdi Axmed uu helay 22 cod.

Cali Sheekh Maxamuud Gacal, waxaa uu ku dhashay degaanka Kuntuwaareey ee u dhaxeeya degmooyinka Marka iyo Baraawe, wax ku bartay iskuulka Masaarida ee Marka, kana baxaya Jaamacadda Lafoole.

Xilligii dowladii kacaanka waxaa uu noqday guddoomiyaha dhalinyarada Banaadir 8 sano, xogheyaha waxbarshada ururka dhalinyarada Soomaaliyeed muddo 2 sano ah, weriyey Radio Muqdisho iyo qoraa Xidigta Oktobar isaga oo markii dambe macalin ka noqday kuliyadda xanaada xoolaha.

Burburkii kadib, waxaa uu shareecada islaamka ka dhigayey jaamacadaha dalka, garsoore maxkamadda gobolka Banaadir 11 sano, guddiga khubadarada ee diyaarinta dastuurka lagu dhaqmo.

3- Cabdiwali Maxamed Ibraahim : Kursiga 3-aad ee doorashada Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed waxaa ku tartamay Cabdiwali Maxamed Ibraahim iyo Cabdullaahi Maxamed Roobow.

Kursiga 3aad waxaa ku guulaystay Cabdiwali Maxamed Ibraahim oo ay walaalo yihiin wasiirka haweenka iyo Xuquuqul insaanka xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xildhibaan Xaniifo Maxamed Ibraahim.

Cabdiwali Maxamed Ibraahim ayaa helay 68 cod waxaana la sii saadaalinaayay in guulaysa doonaan dhamaan xubnaha ku soo baxay.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee soo dhamaystira doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee qabta doorashooyinka aqalka sare halka Puntland ay noqotay maamulkii ugu horeeyay ee soo dhamaystira codaynta Aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Maamulka kaliya ee aan weli qaban doorashada hal kursi oo aqalka sare ayaa ah maamulka Hirshabelle, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo lagu dhawaaqo liiska musharixiinta u taagan kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle.