Sawirro: Turkiga oo gaadiiid dagaal oo cajiib ah maanta ku wareejiyey DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Turkiga kala wareegtay Gaadiid nooca gaashaaman, kuwaasi oo ay ku howl-gali doonaan ciidanka dowladda.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada, gaadiidka gaashaaman ayaa waxay dowladda Turkiga si gaar ah ugu tala-gashay ciidanka Kumaandooska ee Gorgor.

Munaasibadda lagula kala wareegay gaadiidkaas oo ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashandhiga, Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage iyo weliba Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Ma aha markii u horeysay ee dowladda Turkiga ay dowladda Soomaaliya soo gaarsiiso gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo badanaa ciidamadu ay u adeegsadaan howl-gallada Milatari ee ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Turkiga ayaa Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaha ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo haatan ku jirta qabashada doorashooyinka dalka, ayaa waxaa dhanka kale bar-bar socda howl-galo culus oo ciidamada dowladda aya ka wadaan guud ahaan Soomaaliya, kuwaasi oo lagu baacsanayo argagixisada.