Go’aanka DF ka qaadatay HAYSOM ma la mid noqon doonaa kii xiisada Carabta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa culees kale dareemeysa iyadoo go’aan adag ka qaadatay wakiilkii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Madaxda maamulada Puntland, JUbbaland, Galmudug iyo xubnaha ugu sareeyo mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa ka horyimid go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay Nicholas Haysom oo muddo afar bilood ka shaqeynaya Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay inaysan dowladda Soomaaliya ku raacsaneyn eryidda Nicholas Haysom, waxaana ay muujisay inay soo dhaweyneyso talaabooyinkii uu qaatay Haysom.

Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa qaadatay go’aano adkaa xiliyadii la qaadanayay, waxaana ugu darnaa go’aankii khilaafka Carabta laga qaatay iyo go’aankii Qalbi dhagax lagu dhiibay.

Saameynta labadaasi go’aan oo aan si toos ah loo arag ayaa laga dareemay Soomaaliya waxaana ugu adkaa go’aankii dalalka Carabta ka  qaadatay dowladda Soomaaliya kaasi oo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshay dalka.

Dadka taageersan dowladda Soomaaliya ayaa go’aanada qaar u arkaa inay soo celinayaan awoodii Soomaaliya ku laheyd caalamka, halka kuwa dhaliilsan ay u arkaan inay halis badan dalka soo gelin karaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa weysay la shaqeynta maamulada dalka, kadib markii Khilaafkii Carabta dhexdhexaad ay ka noqotay, maadaama maamul goboleedyada ay doonayeen in Sacuudiga iyo xulafadiisa lala safto.

Hadda waxaa taagan go’aan kale oo kala fogeyn kara dowladda Soomaaliya iyo maamulada qaar ee aan taageersaneyn dowladda, waxaana markale go’aanka dowladda uu ku saleysan yahay madaxbanaanida dalka.

Dad badan ayaa dhaliilay xubnaha mucaaradka ee dowladdooda kala saftay Qaramada Midoobay, halka kuwa mucaaradka ahna ay ka fiiriyeen caqabadaha ka imaan kara go’aanada qaar.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaanan la ogeyn dhibaatooyinka ka dhalan kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com