Puntland ma wada xumeyn doontaa labada CALI?!!

Puntland waxa ay 8-da bishan Janaayo dooran doontaa Madaxweyne Cusub ama waxaa ku ceshan doona Cabdiweli Cali Gaas, oo shanti sano ee ugu dambeeysay soo hoggaaminayey.

Hase ahaatee, doorashadan waa tijaabaddii ugu adkeyd ee ay Puntland la kulanto tan iyo markii 1998 dhidhibada loo taagay.

Waxaa xilka Madaxweyne u sharraxan 30 oo uu ka mid yahay Dr. Cali Ciise Cabdi oo ka soo jeeda gobolka Sool.

Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah dhaqaale yahan dunida aad looga yaqaan waxa uu doorashada soo galay toddobaadkii hore taas oo lama filaan ku noqotay musharixiintii badnaa ee ka horreeyey halka uu ol’oluhu waji kale yeeshay.

Dhaqaale yahanka waa siyaasiga maanta ugu saameynta badan gobolka Sool marka laga yimaaddo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah Puntland ma wada xumeyn doontaa laba Cali?

Waxaa la wada ogyahay halka ay kala joogaan siyaasiyiinta Puntland, gaar ahaan kuwa ku abtirsada beesha Maxamuud Saleebaan ee soo maamulayey tan iyo markii la aas aasay iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Xagee ayey ka bilaabatay collaada Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta Puntland?

Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa loo magacaabay 2000 Raisul Wasaaraha Soomaaliya kaddib markii Cabdiqaasim Salaad Xassan ku guuleystay xilkii Madaxweynaha shirkii Carta.

Hase ahaatee, Dr. Cali Khaliif Galaydh waxa uu ka shaqeyn waayey Cabdullahi Yusuf (AUN) oo xiligaas ahaa Madaxweynaha Puntland.

Markale waxa ay Dr. Cali Khaliif iyo Cabdullaahi Yusuf siyaasadda isku dagaaleen 2004 xilligaas oo la wada joogay Nairobi, Cabdullahi Yusuf waxa uu Puntland ku amaray in ay xannibaan oo aysan Nairobi u soo dhoofin isimaddii Dhulbahante si aysan ugu ol’oleyn Dr. Cali Khaliif taas oo u meel martay.

Isimada xilligaas la celiyey waxaa ka mid ahaa Garaad Cabdiqani Garaad Cali (AUN).

Khaatumo iyo Puntland?

Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Dr. Cali Ciise Cabdi iyo siyaasiyiin kale oo beesha Dhulbahante ah waxa ay aas aaseen oo ay Taleex ku dhiseen 2012-kii maamulkii Khaatumo.

Maamulkaas waxaa aqoonsaday Madaxweyne KMG ahaa ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed balse waxaa is hortaagay Cabdiweli Gaas oo Ra’iisul Wasaare ahaa.

Wixii intaa ka dambeeyey Puntland iyo siyaasiyiinta Maxamuud Saleebaan waxa ay dagaal qaawan la galeen Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Khaatumo ilaa uu markii dambe lagalay Somaliland oo uu la heshiiyey.

  1. Cali Ciise Cabdi Iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh

Walow aysan jirin meel ay isaga horyimaadeen Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Puntland, hadana waxa uu ku mab’da ahaa Dr. Cali Khaliif oo ay wada doonayeen in Dhulbahante sameysto mamaul ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland.

Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu ku khilaafay Dr. Cali Khaliif Galaydh qaabkii loo wajahay in Khatumo iyo Somaliland wada hadlaan taas oo keentay in ay kala tagaan.

Ogow, Dr. Cali Khaliif Galaydh lama soo marsiiyo Puntland, waxaana tusaale u ah in isaga oo heli kara in uu Puntland la hadlo ka doorbiday Somaliland.

Dr. Cali Ciise Cabdi hadda waa musharax u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland, waa siyaasigii ama shaqsigii ugu miisaanka cuslaa ee Dhulbahante oo abid xilkaas isu soo sharraxa, taas waxa ay ka dhigan tahay in Beesha Dhulbahante  isha kuwada hayyaan doorashada 8-da Janaayo, iyaga oo is weydiinaya Puntland ma wada xumeyn doontaa laba Cali!?

W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
Laascaanood, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid