Somaliland & madaxweyne Puntland oo Dhulbahante

Puntland waxa ay 8-da bisha Janaayo yeelan doontaa Madaxweyne, Gaas oo soo noqdo ama mid cusub.

Haddii Gaas meesha ka boxo oo uu yimaado mid cusub, kaba soo qaado inuu noqday Dr. Cali Ciise Cabdi. Maxay Somaliland uga dhigan tahay madaxweyne Puntland oo kasoo jeeda Sool.

Waxaa marka hore in la is-weydiiyo ay tahay, maxaa toddobaad kahor doorashada keenay, yaa ka dambeeyey fikirka, Dr. Cali Ciise iyo Puntland?

Si walba xanta ha’u wareegto, balse waa biyo kama dhibcaan in su’aashan la is weydiiyo…

Saameyn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa Somaliland Madaxweyne Puntand ah oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante?

Kahor inta aynaan qiyaasin cawaaqibka ay Somaliland arrintaas ka dhaxli karto, aan ogaanno waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Dhulbahante?

Somaliland sida hadda loo yaqaan waa mamaul iskii ugu dhawaaqay uu yahay Jamhuuriyad ka madax bannaan Jamhuuriyaddii Somaaliya.

Dhulbahante muxuu u yaqaan?

Dhulbahante oo ah beesha dagta Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa ay Somaliland ka aaminsan yihiin maamul ay sameysteen beesha dhexe “Isaaq” balse aan matalin dhulkii uu Ingiriiska gumeysan jiray ee British Somailand Protectorate ee markii dambe la midoobay Koonfurta Soomaaliya.

Taas oo ay jirto, Somaliland oo kaashaneysa maleeshiyo beeleed isla Sool ka soo jeeda waxa ay 2007 Gobolka Sool kala wareegtay Puntland.

Saameynta uu Madaxweyne Puntland ah oo ka soo jeeda Dhulbahante ku yeelan karo Somaliland

Somaliland waxa ay kala kulmi doontaa jab weyn oo isugu jiri kara mid siyaasadeed iyo waliba dagaal lagu hoobto.

Haddii uu Dr. Cali Ciise soo baxo, Somaliland waxa ay beesha caalamka ugu muuqan doontaa mid ku soo duushay dhul dadkii lahaa maamul kale dhisteen oo ay Madaxweyne ka yihiin, wey adkaan doontaa in ay xataa dowladda Federal-ka ah wadahal miiska ugu timaado maadama aysan suurtagal ahayn in Dr. Cali Ciise Cabdi, oo ah Madaxweynaha Puntland ka maqnaado goobta wadahalka!

Taas waxaa dheer, in maalinta la doorto Cali Ciise Cabdi Laascaanood uu ka qarxo dagaal iyo kacdoon dhiig badan ku daato, kaas oo horseedi kara collaad sii daba dheerata .

Si walba, Madaxweyne Puntland oo ka soo jeeda Dhulbahante, wax aan cawaaqib xumo ahayn Somaliland ma kala kulmi doonto.

W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
Laascaanood, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid