Go’aanka Reccep Erdogan ee la kulanka Maxamed Bin Salman oo la shaaciyey

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Racep Tayyip Erdogan ayaa iska diiday dalab kaga yimid dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ahaa inuu la kulmo madaxweyne Erdogan.

Maxamed Bin Salmaan ayaa horey u dalbaday in Erdogan uu la kulmo inta uu socdo shirka Wadamada ku bahoobay G20, oo 30-ka bishaan ka dhacay magaalada Caasimadda u ah dalka Argentine.

Shirkaasi oo bilaabanaya dhammaadka Novermber ayaa socon doona ilaa 1 December ee sanadkaan, waxaana Erdogan uu diiday inuu la kulmo Maxamed Bin Salmaan, sida lagu daabacay Shabakada wararka Turkey ee Haber.

Talaadadii hore madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga inta shirka uu socdo, sidoo kale Arbacadii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isna shaaciyay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga.

Arintaan ayaa timid iyadoo Sacuudiga uu dhibaato badan kala kulmay dilkii wariye Jamaal Kashoqji oo horaantii bishii lasoo dhaafay lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Jimcihii laso dhaagay Washington Post ayaa shaacisay in CIA-da Mareykanka ay soo gabogabeysay in Maxamed Bin Salmaan uu shaqsiyan u amray dilka wariyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
Caasimada@live.com