NISA oo fashilisay qarax lala damacsanaa masjid ku yaalla MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay meel aan ka fogeyn masaajid ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu aasay meel u dhow Masjid ku yaala Xaafadda KPP ee degmada Hodon, waxaana ciidamada NISA ay sheegeen inay taageero ka heleen shacabka, maadaama xogta ay usoo gudbiyeen.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA laguna daabacay Barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay sidoo kale ku raad joogaan qaraxyo kale oo magaalada looga shakisan yahay in lagu hayo.

“Ciidanka Booliska iyo NISA, oo wada shaqayn kahelay bulshada ayaa markii  labaad asbuucaan gudihiisa bixiyey Miino iyo walxa kale oo  qarxa, oo ay  dhagarqabayaal ku duugeen kasoo horjeedka misaajid kuyaala Xaafadda KPP ee degmada Hodan”ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA mashaacin dad loo qabtay miinadaas,hayeeshee waa markii labaad ee todobaadkaan ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya fashiliyaan qarax,waxaana maalma kahor ciidamadu ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay Xaafad ka tirsan degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.

Labadii habeen ee ugu dambeysay ciidamada ayaa baaritaan ka waday xaafadaha degmooyinka, Waaberi, Heliwaa, Hodon iyo Wadajir iyaga oo ku raad joogay dadka falalka amni daro ka geysanaya magaalada.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com