Go’aanka Soomaaliya ay ka qaadatay qaraarkii QM ee ka dhanka ahaa Ruushka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal Afrika ah oo codkooda ku biiriyay qaraar ka dhan ah Ruushka, kaasi oo la horgeeyey Golaha Qaramada Midoobay.

Qaraarkaan oo ahaa in dowladda Ruushka ciidamadeeda kala baxdo dalka Ukraine ayaa dalalka xubnaha ka ah Golaha Qaramada Midoobay waxay ku kala codeynayeen Haa iyo Maya si loo ansixiyo, halka kuwa qaarna ay ka aamuseen.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay codkeeda ku biirisay 30 dal oo ka mid ah dalalka Afrika oo qaraarkaan QM ugu codeeyay “Haa” taasi oo ka dhigan in Soomaaliya ay taageertay qorshaha ku aadan in dalka Ruushka uu kala baxo ciidamadiisa dalka Ukraine.

Dalalka Nigeria, Ivory Coast, Masar, Ghana iyo Kenya ayaa kamid ah dalalka Afrikaanka ah ee taageeray cod-bixintan, halka dalalka Senegal, Burkina Faso, Cameroon, Equatorial Guinea, Eswatini and Guinea-Bissau aysan ka qeyb qaadan codeynta.

Qaraarkaan ayaa waxa codeyntiisa isaga aamusay 15 waddan oo kamid ah dalalka Afrika, iyada oo wadamada Eritrea iyo Mali oo keliya ay si toos ah uga soo horjeesteen qaraarkan dhigaya in Ruushka lagu qasbo ka bixitaanka Ukraine, kuwaasi oo ku codeeyay “Maya”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa si weyn u soo dhaweeyay qaraarkan, kaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay calaamad xooggan oo muujineysa taageerada caalamiga ah.

Dagaalka Ukraine ayaa sanad jirsaday, ayada oo si weyn u saameeyay guud ahaan dunida, gaar ahaanna waddama saboolka ah sida Soomaaliya oo kale oo ku tirsanaa gargaarka caalamiga ah.

Dowladaha reer Galbeedka oo garab istaag u muujiyay xukuumadda Kyiv ayaa siinaya hub casri ah sida; gantaalada lidka taangiyada, qalabka ka hortaga gantaalada iyo waliba gantaalada gaysta burburka badan.

Si kastaba, waxaa muddooyinkii dambe soo baxayay wel-wel la xiriira in dagaalka Ukraine uu isku bedelo mid u dhaxeeya Ruushka iyo NATO, taasi oo keeni karta in Moscow ay weerarto dalal kale oo dhaca qaarada Yurub ah siina ballaarin karta colaadda.