Somaliland oo shaacisay in Puntland ay soo weerartay – Kadib maxaa dhacay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay inay ciidamadeedu dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday ee kasoo duulaan tagay maamulka Puntland, sida ay sheegtay.

“Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Laba toddobaad ka hor unbay aheyd markii ay Somaliland sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer waxay dowlad-goboleedka Puntland ku eedeysay in uu wado qorshe uu ku ballaarinayo dagaalka ka socda Laascaanood, islamarkaana uu qorsheynayo inuu weeraro kusoo qaado ciidamada Somaliland.

“Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa,” ayaa lagu yiri qoraal 12-kii bishaan kasoo baxay Somaliland.

Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu maanta sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ciidamada SSC ay sheegeen inay la wareegeen saldhigii Somaliland ee magaaladaasi. Dagaalkan ayaa galay toddobaadkii saddexaad.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan weerarkan ay sheegtay Somaliland, waxaana xusid mudan in maamulka uu kal hore iska fogeeyay in uu qeyb ka yahay dagaalka socda.