Daawo: Xildhibaan Jeesow oo shaaciyey in DF Soomaaliya ay isku beddeshay shirkado

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ka hadlay tabashooyin ay beeshiisa Gaaljecel ka qabto dowladdaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo soo hadal qaaday kiisaska Ikraan Tahliil iyo Weriye Cabdalla Muumin oo baarlamaanka uu ku metelo.

Xildhibaanka oo ka hadlay kulan uu la yeeshay beeshiisa ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay noqotay in ganacsi kasta qof gaar ah loo xiro, isagoo sheegay in mar dhow la arki doono ceelasha biyaha laga cabo iyo suuqa Bakaaraha oo dad gaar ah loo xiray, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Jeesow oo soo hadal qaaday kiiskii Ikraan Tahliil oo waayahaan aan laga hadlin ayaa sheegay in Ikraan kiiskeeda ay ololihii doorashada ku soo galeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda la shaqeysa, sida uu sheegay.

“Gaaljecelow dowladda fahma meeshaan Kambaniyaal ayaa loo kala qeybsaday, aniga Kambanigii i qanciya ayaan ku biirayaa, meel kasta kambarni hebel ayaa la wareegay, balse mardhow waxaa maqli doontaan ceelasha biyaha iyo suuqa Bakaaraha oo qolo gaar ah loo xiray,” ayuu yiri Daahir Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in dowladaan oo kale uusan arkin markii la fiiriyo tixgelinta beeshiisa, “Dowladaan mid Gaaljecel uga xun ma arkin, sababta ma garanaayo, marka saaxiibayaal adkeysta ninba maalin ayey u shidan tahaye,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeesow.

Xildhibaanka ayaa beeshiisa Gaaljecel kula dardaarmay inay ka daayaan dacaayadda, maadaama uusan dowladaan waxaba ka gelein oo mucaarad uu ku yahay.

Wuxuu u sheegay beesha inay iska dhaafto dacaayadda xildhibaanadooda ay ka fidiyaan, “War hadii aad dhahdaan Gaaljecel waa looma ooyaan iyo metelaad malaha, idinka ayaa is caayey ee waxaas iska dhaafee dowladda fahma Gaaljecelow ninba maalintiisa ayey u shidan tahaye,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Jeesow.

Xildhibaan Daahir ayaa siweyn ula shaqey jiray oo saaxiib dhow la ahaa dowladdii madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ka mid yahay xildhibaanada ugu waqtiga dheer oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay baarlamaanka ku soo jiray, balse hadda waxay u muuqataa inuu la jaan-qaadi la’yahay dowladaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo