Godka Laftagareen – Maxaa ka socda Koonfur Galbeed?

By Caasimada Online

Maamulka ka jira gobolka Koonfur-Galbeed  (KG) wuxuu December 18, 2018 ku  yimid doorasho aan hufnayn, kacdoonkii carada shacbiga ka dhashayna waxaa lagu demiyay dhiiga. Maamulka dulmigaas ku askunmay ee Cabdulcasis Xasan Maxamed Laftagareen wuxuu mudda xileedkiisa ku eg yahay waxay ka yar shan bilood.

Maamulkaas  waxay dadka ku tilmaamaan inuu yahay mid kelitalis ah oo “Qoysaysan,” mana aha mid daah furan, wuxuu adeegsadaa cabsiggelin baahsan, cabburin, jirdil, iyo xabsi. Weriyayaal ay u suurtowday inay arkaan xabsiga ayaa soo tebiyey in maxaabiista badidooda ay naafoobeen jirdil aawadiis, kuna xiran yihiin qolal aan lahayn dariishado hawo, iyo iftiin ka galaan. Raashin rasmi ah ma haystaan, lamana booqon karo.

Waxay kalaoo, sheegeen in maxaabiista ay ka mid yihiin wiilal iyo gabdha da’yar. Wararka weriyayaasha soo tebiyeen waxay waafaqsan yihiin cabashada waaliddiinta maxaabista laga soo duubay (Amaandhoorey, Baidoa News 28/6/2022).

Waxaa ka sii daran, in dhawaan la aasay maxbuus 16 jir ah oo la dilay kaddib markii la yiri wuxuu ka cararay xabsiga. Wiilku waxuu lugaha iyo gacmahaba uga naafoobay xabsiga, orod iska daaye xitaa ma awoodin inuu sarajoogsado. Takhaatirtu waxay ku sheegeen inuu u geeriyoon doono dhiig la’aan haddii aan deg deg lagu shubin.

Waaliddiintiisa waxay sheegeen in si kasta oo ay isugu dayeen inay arki waayeen ubadkooda. “Hal mar ayaa mudda gaaban naloo fasaxay Ramadaankii.” Waxay yiraahdeen waxa aan aragnay waxay ahaayeen humaag baniaadan, balse laguma tilmaami karo dad nool. Waxay yiraahdeen maxaabiista waa wada naafo aan istaagi karin.

Wiilka la dilay Maxamed Cali iyo dhallinyarada kaleba waxaa lagu soo eedeeyay inay ka mid yihiin Al Shabaab caddayn la’aan. Wiilashu waxay ahaayeen dhallinyaro hay’ad samafal ah ay kaalmaysay si ay isubixiyaan dhaqaale ahaan.

Toddobaadkan Laftagareen wuxuu Koonfur-Galbeed  ka  mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed. Wasiirka Amniga Maxamed Isaaq Cabdi ayaa June 25, 2022 sii faafaahiyay in la joojiyay hadal siyaasadeed si aan amniga gobolka khal khal loo gelin. Amarku wuxuu ka dambeeyay markuu  Guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool Ibraahim Macallim Nuurow ‘Shiino” uu ku dhawaaqay inuu yahay musharrax goddoomiye.

Dabcan maamulka waxaa qoorsho u ah inuu kolka hore uu ku kororsado muddo xileedkiisa sannad iyo bar. Waxaa xusuus mudan in xildhibaannada Barlamaanka Koonfur-Galbeed aysan mushaahar qaadan lix bilood, inkastoo maalmahan dambe qaar la siinayo kaararkii loogu talaggalay taakulaynta barakacyaasha abaaraha ee dhooban gobolka.

Waxaa iyadana xusuus mudan in lataliyaha Koonfur-Galbeed  xagga sharxiga Dr. Axmed Sheekh Abdullahi “Maadka”, inuu dhawaan iska casilay shaqada kaddib markii talo laga dhagaysan waayay, siduu ku yiri warayasigii warbaahinta Amaandhoorey. Wuxuu intaas ku daray in muddo xileed kororsi aysan ku jirin Dastuurka, damiirkiisana uusan u fasaxayn inuu hawl ka qabto maamulka uu ku timaamay inuu “qoysaysan” yahay. Waxaa weli bannaan jagooyin hoose iyo sare leh sida kuwii ka tagay shaqada, kuwii noqday xildhibaanno, iwm.

Booqashadii Baydhabo ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh mar la qaatay shir albaabbda u xiran yihiin guddoomiye Laftagareen. Waxay ka hadleen waxba kaamasoo shaacbixin, balse madaxweynaha khudbadiise dambe ayuu kusoo daray inuu “gebi ahaanba hor istaagayo mooshinka Xamar ay kasoo abaabulayaan xubno kasoo jeeda beelaha Koonfur-Galbeed  oo ka soo horjeeda maamulka Cabdulcasiis Laftagareen,” (Warqaad 3/6/2022).

Waxaa muuqata inuusan Laftagareen u sheegin in mooshinka la abaabulayo uu yahay keliya mid ka soo horjeeda muddo xileed kororsi. Xasan Sheekh wuxuu kaloo u sheegay Laftagareen in “haddii aad guddoonka gobolka kusoo noqonaysid iyo haddii kaleba ay khuseeyso dadweynaha Koonfur-Galbeed”.