24.2 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Golaha Adeegga Garsoorka oo JAWAAB ka soo saaray hadalkii Cumar Dhagey uu XASAN SH…!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gollaha Adeega Garsoorka Soomaaliya ee uu Xasan Sheekh kala diray oo ka jawaabaya waraysi uu bixiyey Cumar Dhagey oo ka mid ah aqoonyahanaddii kula taliyey madaxwaynaha inuu kalo diro adeega garsoorka, ayaa soo saaray qodobadan:-

1 -In aan Cumar Dhagay laftiisu ku magacownayn hab sharciga oo la ogyahay. isaga magacabistiisa la taliye-nimo waxay ahayd in gollaha wasiiradu u jeediyaan madaxwaynaha( sida uu qabo qodd: 99(g) ee distoorka ku meel gaadhkaa) inta la ogyahay golle wasiiiro oo u jeediyey madaxwaynaha inuu Cumar u magacaabo la taliyihiisa ma jiro.

2 – Eedaynta uu u soo jeediyey la taliyaha madaxwaynuhu gollaha adeegga garsoorka waa mid ay ujeedadeedu tahay, kaga hortag ama ku deedafee la talintii qaladka ahayd ee aan sharciga waafaqsanayn ee isagga iyo kuwo kale ay madaxwaynaha kula taliyeen.

3 – Carqalada uu leeyahay gollaha adeega garsoorkaa noqday waa mid aan sal iyo raad lahayn oo wax ka qabasho ama dacwado loo soo jeediyey Golaha adeega garsoorku oo ay wax ka qaban waayeen ma jirto. Cabasho baahsan ayaa jirta qof kastaa wuu odhan karaa. Ta kale madax dawladeed oo aan laga cabanayni ma jirto cabashadaasi run ha ahaato ama been ha ahaatee, Garsoorku wuu ka sii xag jiraayoo, waxaa la yidhi ” gari labo nin kama wada qosliso.” . 5000kun oo dacwadood ayuu garsoorku sanad walba gala. Adiguba qiyaas inta qof ee laga xukumo ee ka xumaanaysa garsoorka.

4 – Cabashada baahsan ee uu Cumar arkay ee uu sheegayo ee aan gollaha adeega garsoorka u imanin waxay ku kooban tahay isaga iyo cida ay is yaqaaniin. Waa meel ka dhac wayn in Gollaha adeega garsoorka lagu qiimeeyo cabashada mid ka mid ah labadii dhinac ee is hayey. Cadaalada dabiicaa(natural justice) waxay faraysaa in labada dhinac ee is-haya la dhagaysto labadoodaba laakiin aan mid kali ah rabitaankiisa lagu garsiin. Fiiri qodobada:-

A. Fiiri qodonka 11(4) oo sheegaya in dawladu ay si siman ula dhaqanto dadka hadday tahay xagga sharcigga, siyaasada iyo maamulka dawladeedba.

B. Qodobo-ka 34(3) ee distoorka wuxuu sheegayaa in qof waliba xaq u leeyahay inuu iska difaaco waxa loo haysto ama loo sheeganayo. Sidoo kale waxaa sheegaya xeerkeena madanigaa iyo kuwa ciqaabeedba.

5 – La taliyaha madaxwaynaha waxaan jeclaan lahayn inaan u sheegno in waxa uu kula taliyey madaxwaynaha ee ah in uu gollaha la’ kala diro inaa aanay meelnaba kaga jirin qodd:90 ee distoorka ku meel gaadhkaa oo tilmaamaya awoodaha iyo masuuliyaha madaxwaynaha dalka.

6 – La taliyaha madaxwaynaha ma garan ama ma fahmin inaanay sadexda awoodood ee dawlada (barlamaanka, fulinta iyo garsoorka) midna daqiiqad banaanaan Karin haddii kale inay tahay qaran dun. Waxaad moodaa in aanu isaga wali taas fahmin ee ay la tahay in gollihii adeega garsoorka la kala diray.

7 – Markuu leeyahay la taliyahu garsoorayaaal aan imtaxaan laga qaadin baa la qoray waa in uu isagu iswaydiiyaa inaan isaga iyo kuwa kale ee la taliyaayaashaa ahba aanay jirin cid imtaxaan ka qaaday ama aanay jirin goortii ugu danbaysay ee la qoro shaqada dawlada qof imtaxaan soo maray. la taliyaha ayaa laga rabaa inuu cadeeyo.

8 – Shuruudaha sharcigu dhigayo ee garsooraha shaqada la qoraayo ka soo baxo, waa in uu graduate yahay oo jaamacad ka soo baxay taasna waligeed lama halmaamin oo qof aan jaamici ahayn lama qorin garsoorka.

9 – Gollaha adeega garsoorku in la magacaabo garsooreyaal loo baahan yahay u gudbiyey madaxwaynaha illaa march/2013 oo qaarkood Cumar laftiisa loo dhiibay. Fiiri sharciga 21/ oct/1975 qodd:90(j) iyo qodd: 28 ee sharci #3, 12/june/1962 waxay sheegayaaa in gollaha adeega garsoorka soo jeedintooda in la raaco meel fasaxaysa in la diido ama la iska dhigo ma jirto.

10 – Golluhu waa qasab inuu iska tago marka kii badali lahaa la dhiso sida uu sheegayo qodd:109A ee distoorka,Laakiin illaa golahaas laga soo dhiso meeshii ma banaanaayso e gollaha hadda jiraa ayaa joogaya oo xilka haynaya.

Golaha Adeeg Garsoorka Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya

- Advertisement -

Read more

Local News